Hooyadu Waxay Leedahay Fur ama La Guurso iyaduna Waxay Tidhi Guurso Markaan Geeriyoodo

0
Wednesday April 01, 2015 - 08:15:44 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hooyadu Waxay Leedahay Fur ama La Guurso iyaduna Waxay Tidhi Guurso Markaan Geeriyoodo

    Waa Qisso Murugo iyo Xanuun Badan Akhris oo ka Bogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Qisso Murugo iyo Xanuun Badan Akhris oo ka Bogo  Wuxuu ahaa qof iimaan leh, diin leh sida caadada ahna dhaqanka uu yaheyna gabdhaha markii laga helo meelo kale iyo tolka dhexdiisaba tan gabadha tolka ayaa loo cararaa waxeey arkeen gabar tolka ka dhalatey wiilkana ineey u qalanto weey u dooneeen waxeeyna yiraahdeeen waxaanu rabnaaa gabadhaaan wiilkayaga in loo guuriyo... tolkii gabadha laga soo doontey waa ay soo dhaweeyeen waxeyna ogaayeeen wiilku inuu yahey wiil kheyr badan dhaqan wanaagsan isla markaaana ehlu kheyr ah, kamana aysan gilgilan ineey isla markiiba ay wiilka la noqdaan xidid, arintuna sida caadiga aheyd oo farxada laheyd labo is guursatana uu ahaa ayuu ku dhamaadey... jaceyl, farxad iyo damaashaad iyo guur aad u heer sareeya ayaa loo dhigey labadii rabbi isku doorey sidoo kale hanbalyo iyo bagaadin ayaa iska daba timid... guurkii ka dib markii maalmo la soo gudbey, dadkii u dhawaa wiilkii isaga ahaaa waxeeey bilaaabeeen wiilka arimihiisa ineey ka sheekeeyaaan oo ay xantaaan, waxeey sidoo kale bilaabeeen ineey wiilkii u arkaaan mid aaan gurigiisaba aaan ka dhex bixin markuu shaqada ka soo baxo inuu yahey mid mar kasta gabadha iska ag jooga, xan beey ku bilaabeeen waxeyna yiraahdeeen ninka maxaaa ku dhacey ma sixran yahey maxaa ku dhacey... Wiilka iyo gabadhu waxeey ku nool yihiin nolol aad u qurux badan maalina kuma aysan fakarin noloshoodu ineey xumaan doonto ama ruux soo kala dhex gala khash-khashaada noloshooda la heli doono, sadex sano ka dib guurkooda markii ay ka soo wareegtey, gabadha reerkoodu waxeey bilaabeen cadaadis, iyaga oo leh hebla gadaashaaa baa la guursadey gabar beey dhashey wiil beey dhashey, sidoo kale wiilka reerkoodii ayaa ku kacey waxeeyna leeyahiin ninkii habel ahaa isku wakhti baad guursateeen labo caruuuraa loo hayaaa, hebel doraad buu guursadey uur baana loo leeyahey ee gabadhaan ma dhashadaaa maxeey tahey, gabadha reerkeeduna waxeey leeyihiin ninkaan ma dhalahaa maxaa ku ag dhigey... cadaadis baa ku yimid lamaanihii is jeclaaa oo xaga guurka ah, waxaa labadii reer buuq iyo muran uu dhex maraba waxaa la isku af gartey in dhakhtar la aado, gabadhii waxeey ninkeedii ka dhaadhicisey ineey dhakhtarka iska tagaan dadkaan buuqooda ay iska dajiyaan, hadii la ogaado ineey xanuuno jiraan la daweeyo allaha raxmaanka ah inuu arin fudud ka dhigo, dawo iyo caafimaad loo helo caruurna inaan helno ayaa dhici karta ee aan dhakhtarka tagno ayeey ku tiri ninkeedii... waxaa dhacey waxaan la fileyn, markii loo tagey dhakhtarkii baarayey waxaa la ogaadey ineey gabadhu tahey ma dhasho, sidoo kale wiilka reerkuu ka dhashey waxeey bilaabeen xan, qadaf ama caay waxaad u taqaanidba oo marba marka ka danbeeya ka soo siyaadaya, wiilka waxaa u yeertey hooyadii si cad beeyna waxeey ugu tiri:- gabadhaan labo mid 1:- inaad furto maadaama ay ma dhasho tahey, 2:- ama inaad xaas labaad la guursatid si ay caruur kuugu dhasho... iyaduna ay gurigeeda iska joogto... Wiilkii markii ay hooyadiis intaas ka codsatey, wiilkii xaaladiisii waa ay is badashey, wuxuu ku yiri hadal uusan laba-labeyn uusan ku jirin, cod kalsooni lehna uu ku jiro ayuu hooyadii ku yiri:- hooyo waxaad moodaa xaaskeygu ineey ma dhasho tahey, ma dhashadaas ama ma dhaleysnimadaa xaqiiqdaa kuma xirna dhalmada iyo dhalmo la'aanta, wuxuu leeyahey waxaan arkaaa oo aan gabadhaaan ka arkaaa dareen rasmi ah, kalgaceyl nadiif ah iyo dhowrsanaan, wuxuu leeyahey ilaahey baa mahad iska leh, xaaskeygu maalin un beey dhali doontaa, wakhtigaan la joogana xaaskeygu maalin walba waxeey ii dhashaa wax ka badan boqol jeer aniguna raali baan ka ahey ee mar danbe ha igu soo celinina inaad i dhahdaan gabadhaan iska fur... ma dhaleysnimadii ay filayeen ineey noqon doonto sabab uu ku furayo wiilkoodu gabadhaan waxeey noqotey sabab banaanka soo dhigta jaceylka ka dhexeeya wiilka iyo gabadha iyo sida ay nafta usugu hurayaaan iyo sidoo kale jaceylka ku qarsoon qalbiyadooda... sanado ka dib sagaal sano markii ay ka soo wareegtey oo aysan wali waxba dhalin oo ay ku jiraan jaceyl kii ugu danbeeyey iyo kalgaceyl aan kala go' laheyn, darisyadooduna ay la yaabayaan hadalada ay iskula hadlayaan iyo sideey isku darajeynayaan, waxaa biloowdey in gabadhii dhinaca rabbi weerar looga soo qaado cudur uu ku dhacey, cuduro laga yaabey oo gabadha xaaladeeda aad u badaley isbitaaladii baa lala wareegey waxaa loo geeyey isbital ka mida isbitaalada waa waaweyn ee wadanka sacuudi carabiya ee uu leeyahey boqor feysal, isbitaalkaas markii la geeyey wiiilkii wuxuu ogaadey isbitaalkaas in la geeyo dadka xaaladoodu aadka u xun tahey in la dhigo, maantana xaaskiisa ma hadii meesha la geeyey wuxuu ogaadey in xaaladeedu aad u xun tahey... Dhakhtarkii markii uu baaritaan ku sameeeyey, ayuu wuxuu la hadley wiilkii wuxuuna u sheegey in gabadhaan ay xanuunsan tahey uuna hayo cudur aanan dawadiis la helin uu ku dhacey, dadkaan ku nool bariga dhexe ku noolna ku dhicitaanka cudurkaana ay aaad u fara yar yihiin, gabadhaana aysan mudo sii fog aysan sii noolaan karin wax ka badan shan sano, si kastooy noqoto sidoo kale cimriguna gacanta ilaahey buu ku jiraa ee sidaas la soco... wiilkii xanuunkii iyo qoomameyntii baa ku siyaadeey mar hadii xaaskiisii uu dunida ugu jeclaa ay isbitaal ku jirto, wuxuu ogaadey gabadhaan sanadba sanadka ka danbeeya ay xaaladeedu sii baaba'ayso, dhakhtarkiina wuxuu yiri:- gabadhaan isbitaalkaa lagu heynayaa si ay dawooyin u qaadato ilaa inta ilaahey uu amaanadiisa ka qaadanayo, laakiinse wiilkii isaga ahaa ee gabadha qabey dhakhtarku waxii uu rabey uma uusan hogaansamin, wuxuu diidey gabadhaan isbitaalka in lagu hayo, wuxuu noqdey nin nerviste ah, wakhti kasta isku buuqsan nerfihiisu ay kacsan yihiin wakhti kasta ka careysan hadalka dhakhtarka... wuxuu go'aansadey inaan gabadha xaaskiisa aan isbitaalka lagu heyn ee uu gurigiisa ku hayo isaga agtiisa uu ku rabaayadeeyo ku xanaaneeyo, gurigii uu daganaa qol ka mida ayuu wuxuu ku diyaariyey dhamaan waxyaabaha qofka xanuusan loogu talo galey ayuu halkaas isagaa ku diyaariyey, si gabadhaasi jawi munaasib ah hagaagsan xaaskiisana ay dawo ku hesho si uu ugu diyaariyo... wuxuu diyaariyey qalab qiimihiisu uu leeg-yahey 3600 oo riyaalka sucuudiga ah oo isugu jira dawooyin qalabka dadka miyirka la' ama dadka xanuunada ku dhaca lagu kalkaalo, wuxuu sidoo kale u diyaariyey qol gaala oo asaga iyo xaaskiisa inta uu la joogo ay ku dhaqmaan ay wada joogaan markuu isbitaalka ka soo saaro, lacagta qiimaha intaas leegna wuxuu ka soo deynsadey bangiga wadanka, wuxuu sidoo kale u bandhigey kalkaaliso isbitaalka ka shaqeysa lacagta ay ku shaqeyso mid ka badan si ay ugu baxnaaniso xaaskiisa inta uu shaqada ku maqan yahey, maamulkii shaqada ayuu wuxuu u gudbiyey in fasax la siiyo, wax lacag ahna uusan qaadanin inta ay xaaskiisu xanuunsan tahey, laakiin maamulihii shaqada ayaa ka diidey markii uu ogaadey in gabadhaan iyadaa uu darteed lacag faro badan uu u galey, sidaa darteedna wuxuu ku yiri:- maalinkii waxaad imaaneysaa saacad ama labo waadna shaqeyneysaa waxaadna isaga bixineysaa deymihii aad gashey ama reerkaaaga ayaad biil ugu raadsaneysaa... wiilki wuxuu ahaa mida shaqada saacad ama labo saacadood jooga isagoo ka fakaraya xaaskiisa xanuunsan iyo maqnaanshaha uu ka maqan yahey, wuxuu jeclaa afka inuu cunada u galiyo bal si ay joogitaankiisa xoogaa ay niyada ugu dhisato, wuxuu ahaa mid laabta iyo qalbiga ku duma markii ay xoogaa xanuun dareeento, una sheekeeya qisooyin iyo sheeekooyin dhacey uga sheekeeya si xanuunka haya uu u hilmaansiiyo, laakiinse xaalada gabadha maalinba maalinta ka danbeeysa aad beey u sii xumaaneysey, ninkaani wuxuu isku dayayey inuu dadaal bixiyo si uu xanuunka ula wadaago uga fududeeyo... gabadhaa iyadaaa ee xanuunsan odeygeeda oo ku maqan waxeey gabadhii kalkaalisada iyada u aheyd u dhiibtey ee baxnaanineysey santuukh yar oo xiran waxeyna ka dalabtey, santuukhaan ineey heyso qofna aysan siinin noocuu doonaba ha noqdee, oo ay ninkeeda kaliya faraha ka saarto laakiinse waa goormee waa markii iyada nafteeda la oofsado... maalin isniin ah, habeenkeed markii cishaha la tukadey, jawiguna wuxuu ahaa xilli roobeeed, codka dhibcaha roobka ayaa wuxuu kusoo qulqulayey jiingada ay daganaayeeen, daaqadaha guriga waxaa ka soo galayey biyaha roobka, wiilkuse wuxuu bilaabey in gabadhaa xaaskiisa ah uu u sheekeeyo qalbigeeda uu farxad galiyo, gabayo iyo geeraaro uu iyada ku amaanayo uu u tiriyo, indhaheeda uu ku hor dhaqdhaqaaaqo bal si ay xoogaa farxad u dareeento, gabadhii inteey dhoolo cadeysey, dhoolo cadeyn ay isku dhibeyso ayeey naftii ka baxdey oo hiqdii ugu danbeeysey ay ka timid... wiilkii isaga ahaa ilin baa ka soo qulqushey wuxuuna ogaaadey xaaskiisu ineey saacatu sifir ay mareyso oo halkaa wixii ugu danbeeyey ay ku ekaayeeen, naxdin uu ka naxey darteed wuxuu ku sigtey isaga laftigiisu ineey halkaa iyada ah ay naftu kaga baxdo, ninkii isaga ahaa salaadii subax ka dib markii la tukadey gabadhii waa la aasey, labo maalmood markii ay gabadhii sii aasan tahey waxaa u yimid ninkii gabadhii kalkaalisada u aheyd xaaskiisa ee u baxnaanin jirtey oo santuukhii yaraa u sida... waxeey aragtey ninkii quruxda badnaa ee shaley lacagta siinayey ee gabadhu ka xanuunsaneyd aad moodo sidii qof toban sano xanuunsanaa oo kale oo aanan waxba cunin oo kale sida uu u dhamaadey darteeda, sidoo kale inteey u tacsiyeeysey ayeey waxeey ku tiri:- xaaskaagu waxeey ii dhiibtey santuukhaan waxeeyna iga codsatey inaanan qofna siinin ee aan adiga ku siiyo balse waa maalintii nafteeda la oofsado ay geeryooto... ninkii isaga ahaa santuukhii buu qabtey wuuna furey wuxuuna ka arkey dhalo cadar oo maran oo aysan waxba ku jirin, waana dhaladii cadarkii ee markii markii ugu horeysey ee uu guursadey eee uu hadyad ahaanta ee uu ugu keeney ee ay ka qaadatey beey aheyd, dhaladii oo maran oo faaruqa hadyadii buu hayaaa, dhaladii beey waxeey u ridey santuukha, waxaa kaloo santuukha ku jirey sawir isaga iyo gabadha ay wada galeen habeenkii arooskoooda isugu horeysey, waxaan kaloo santuukha ku jirey gabal yar oo maraa oo cad oo ay ku qoran tahey uxibuka fillahi (ilaahey dartiis ayaan kuu jeclahey) waxaa intaa ka sii daran jaceylka ay ninkeeda u heysey iyo kii ilaahey oo ay isku lamaanisey ee waan ku jeclahey ninkeygii baad tahey ana xaaskaagii baan ahey waanan ku jeclahey... wuxuu leeyahey ninka qisadaan qorey waxaan idiin soo gudbinayaa gabalkii marada ahaa ee ay gabadhu qortey wixii ku qornaa ayaan idiin soo gudbinayaa aniga oo aanan wax kale ku dareynin laakiin ma doonayo magaceeda ama magaciisa inaan soo sheego... waxaa ku qorneyd warqada ninkeygii qaaliga ahaayoow faaruqida aan aduunka kugu faaruqiyey haka murgoonin, illaahey baan ku dhaartaye hadii cimri danbe allaah ii qadari lahaa inaan soo noolaado, waxaan dalban lahaa inaan nolosha dib kuula soo bilaabo, waxeey tiri:- waxaad jeceshahey ninkeygiiyoow inaan noolaado, aniguna waxaan jeclahey inaan kula noolaado, allaahna wuxuu doonayaa inuu nolosheyda qaato, tii illaahey baana soconeysee dulqaadoo sabir yeelo... qof beey la hadashey waxeey tiri:- walaalkeyga hebel ahoow waxaan jeclaan lahaa inaan ku arko adiga oo aroos ah inta aanan dhiman waa qof ay ka dardaarmeyso... waxeey la hadashey qof kale waxeyna tiri:- walaasheyda hebla aheey caruurtaaada sida aad ugu adag tahey, ama aad u dileyso ka aayari sababtoo ah waa nimco uu ilaahey ku siiyey dareen oo ilmaha dilka ka daa... waxeey usoo noqotey ninkeeda hooyadii iyada oo ku leh:- eedadeyda qaaliga aheey si fiican maad iila dhaqantey markaad wiilkaaaga u raadisey inuu gabar kale ila guursado wuuna mudan yahey inuu guursado, sababtoo ah magaciisa ayaa ilmo wanaagsan ka soo jeeda... hadalkeyga ugu danbeeya waxaan dhahayaa ninkeyga aan jeclahey:- guurso marka aan geeryoodo sababtoo ah cudur-daarka aad u guursan wuxuu ahaa inaad aniga i dhowreyso i jeceshahey laakiin maanta cudurdaar kuuma yaalee guurso waxaanan kaa codsanayaa ubadka ugu horeeya aad dhasho ee gabara inaad magaceyga aad u bixiso, ogowna xataa aniga oo qabrigeyga ku jira xaaska cusub aad guursato waan ka maseyrayaa...