IS DOORTA W/Q: NADA YUSUF CUMAR

0
Thursday April 09, 2015 - 07:51:55 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IS DOORTA W/Q: NADA YUSUF CUMAR

    Dharaar ayuunbaad adduunka timi, dhallinnimo ayaad soo martay, waad soo ciyaartay, waad soo oyday markaasad haddana soo farxday adiga oo iidaaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dharaar ayuunbaad adduunka timi, dhallinnimo ayaad soo martay, waad soo ciyaartay, waad soo oyday markaasad haddana soo farxday adiga oo iidaaya.

Dharaar kale ayuunbuu gu’ kuu kordhayaa, waad waynaanaysaa markaas ayuunbaad qaangaadhaysaa. Hadda waadigan qaan gaadhay ee 15 jir kor u dhaafay. Waxa is wada badalay habdhiskaagii jidhka, hab-fikirkaagii iyo hab-nololeedkaagiiba.
Waxa aad leedahay garaad, adduunyadaad ka indho la’ayd ayaad imika daa daawanaysaa. Waxa ku galay hindise, oo taloow maxaad tabaysa oo aad hindisaydaa?
Waxa aad doonaysaa nolol aad leedahay adigu oo aad maamulato, maarayso kuna dhex mushaaxdo. Waxa aad maraysa dhabbooyinka, waxa aad tagaysaa goobaha la iskugu yimaaddo, marar kalana waxa aad la shawraysaaba naftaada. Intaa waxa aad ka fikiraysaa taloow nolosha ma kalinimo ayaad ku dhammaysanaysaa, taloow miyaa lagula wadaagayaa, talow waa digan qaangaadhay ee doobka/gashaantida noqdaye lammaanahaagi mee?

Haddii aad inan tahay waxa ugu badan oo aad is waydiisa waa markasta oo aad wiil qurxoon, qooyo badan, oo qumman aad aragtaba taloow ma kanaa kaad guursanaysay? haddii uu mid kula hadlana talow kan wax may idin dhex mari iyo kan isuma qalantaan iyo waydiimo noocasa ayaad naftaada la wadagta?

Haddii aad wiil tahayna waxa ugu badan ee aad ka fikirtaa waa
Goormaad abbo noqon oo aad guursan, taloow xaaskaagu waa noocma waa mid sideeya? Ma ta jaarka? Ma ta jaamacadda? ma een…een..een..een.. iyo ku wo kale.
Haa ma qaldanid in aad waydiimahan is waydiiso waayo maalin walba ama habeen walba sidii aad u waynaatay waxa aad arkaysaa dad is qaba, waxa aad maqlaysaa qaar kale oo is guursanayaa, sidaa awgeed ayay waydiimahani kuugu dhalanayaan?
Haddaba goorma ayaad ka baxaysaa waydiintaa?
Waxa aad ka baxaysaa marka aad nolosha lammaane ku yeelato oo aad hesho qofkaad raadinaysay Alle hakugu arsaaqo oo gacanta ha kaa soo galiyee.
Haddaba qofkan ma isku deggentiin? mase yahay qofkaagii iyo kii aad rabtay?
Qaddarka Alle waa halkiisa, balse adigu haddii aad tallaabooyinkan raacdo waxa suuro gal ah in aad guulaysato. Aan kuu sheego tilmaa maha ugu wanaagsan ee haddaba qof aad ku dooran karto isna uu kugu dooran karo.
1, DIIN IYO DHAQAN isku doorta si aad khladka isgka qabataan, isku waanisaan isuguna degtaan.
2. DABEECAD IYO IS FAHAN isku doorta si aad arrimihiina wanaag ugu dhammaysaan iskugna farxdaan wakhtiyo badan.
3. GEESINIMO IYO KARTI isku doorta, eega oo u kuur gala garaadkiina iyo sida uu u fikiro arrimahana u maamulo taas ayaa lagu ogaada geesinimada iyo kartida e.
4. CADDAALAD IYO NAXARIIS.
5. Daacad iyo DEEQSINIMO.
Shantaas ayaa ugu muhiimsan tilmaamo la isku doorto oo lammaame uu dhiggiisa kale ku xusho.



Mahadsanidiin.


W/Q: Nada Yuusuf Cumar


‪#‎Qoyskaab‬

Hargeysa Somaliland