"Bayern Waxay Haatan Ku Sugan Tahay Xaalad Aan Wax Ka Qabin Karin!"Pep Guardiola

0
Saturday April 11, 2015 - 08:51:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Bayern Waxay Haatan Ku Sugan Tahay Xaalad Aan Wax Ka Qabin Karin!"Pep Guardiola

    Macalinka naadiga Bayern Munich Pep Guardiola ayaa haatan quus taagan kadib markii kooxdiisa ina badan xidigaha ugu muhiimsan ay dhaawac kaga maqan yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalinka naadiga Bayern Munich Pep Guardiola ayaa haatan quus taagan kadib markii kooxdiisa ina badan xidigaha ugu muhiimsan ay dhaawac kaga maqan yihiin.


Xill cayaareedkan ayaa meel xasaasi ah maraayo balse dhibaatada dhaawaca Bayern ayaa kusii badatay xidigii ugu dambeeyay ee ka dhawaacmo Bayern wuxuu noqday Mehdi Benatia oo garoomada ka maqnaan doono mudo 4-todobaad ah dhaawac dhanka muruqa hoose.

Bayern waxaay horey dhaawac kaga maqnaayeen xidigo badan oo ay hormuud u yihiin Arjen Robben, David Alaba iyo Bastian Schweinsteiger.

Sidaa darteed Guardiola oo quus taagan wuxuu yiri "Bayern dhibaato aan wax ka qaban karin ayay haatan ku sugan tahay”

"Dhaawacyada waa kuso isbada joogo ah sidaa darteed xili aan halgan ugu jirno tartamada kala duwan ayay naga dhaawameyn cayaartooydeena kuwa ugu muhiimsan”

"Bastian kulanka Frankfurt ma cayaari karo sidoo kalena Ribery hada ayuu tababar bilaabay, xaalka Robben ma wanaagsan ilaa dabyaaqada bishan ma cayaari karo”

Bayern waxa dhawaan dib ugu soo laabteen Philipp Lahm iyo Thiago Alcantara balse macalin Pep ayaa sheegay in labadan xidig uusan wax badan ka filan karin madaama ay mudo dheer garoomada ka maqnaayeen sidoo kalena weli aysan awoodin inay kulan walbo 90-daqiiqo cayaaraan.

Contact@afkashacabka.com