Gareth Bale Oo Seegi Doona Kulanka Eibar Ee Maanta Miyuuse Ciyaari Doonaa Kulanka Atletico Madrid?

0
Saturday April 11, 2015 - 08:55:15 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gareth Bale Oo Seegi Doona Kulanka Eibar Ee Maanta Miyuuse Ciyaari Doonaa Kulanka Atletico Madrid?

    Sida uu xaqiijiyay tababare Carlo Ancelotti wiilka dheereya ee xulka Wales Gareth Bale ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisa sabtida la ciyaari doonto Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida uu xaqiijiyay tababare Carlo Ancelotti wiilka dheereya ee xulka Wales Gareth Bale ayaa seegi doona kulanka ay kooxdiisa sabtida la ciyaari doonto Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga.


Xidiga ugu qaalisan dunida ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay dhaawac ka qabay cagta balse wuxuu qeyb ka ahaa wiilashii Madrid ee guusha 2-0 ah ka gaarayR ayo Vallecano, balse kulanka Eibar ma ciyaari doono.

"Bale ma ciyaari doono, waan tijaabinay mana awoodo inuu ciyaaro kulanka Eibar” Ayuu yiri Ancelotti, "Waxaa u wanaagsan inuu nasto si uu taam ugu noqdo kulanka talaadada”

Dhanka kale Gareth Bale ayaa ciyaari doona kulanka ay kooxdiisa talaada wajaheyso Atletico Madrid kulan ka tirsan koobka horyaalada yurub ee Champions League.

Si kastaba war farxad leh ayey Madrid heshay madama Ronaldo laga cafiyay jaalihii la siiyay kulankii Rayo Vallecano mana ku maqnaan doono ganaax.

Ugu dambeyntiina Madrid ayaa soo rogaal celisay iyadoo kulamadii ugu dambeeyay si qurux badan u ciyaareysay waxaana sidoo kale kulanka Eibar seegi doona Kroosiyo James Rodriguez kuwaas oo ganaaxyo ku seegi doona.


Contact@afkashacaka.com