Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Manchester Derby Ee Man United v Man City.

0
Sunday April 12, 2015 - 11:34:43 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Manchester Derby Ee Man United v Man City.

    Kulanka: Manchester United v Manchester City Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mark Clattenburg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Manchester United v Manchester City Garoonka: Old Trafford Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mark Clattenburg


Ku soo dhawaada Manchester – xilli ciyaareedkan kulanka Manchester Derby waxa uu muhim u yahay kooxdii ku dhameysan laheyd meesha ugu sareysa horyaalka halkii ay ku dagaalami lahaayeen hanashada Premier League sida uu xaalka ahaa afartii sanno ee ugu danbeysay.

Man City ayaa aragtay markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan iyadoo deriskooda Manchester United ay ka sarre martay. United ayaa heysata 11 dhibcood ka badan intii ay heysatay waqtigaan oo kale xilli ciyaareedkii hore. Halka Man City ay heysato sagaal dhibcood ka yar intii ay heysatay xilli ciyaareedkii hore, taasoo ku muujineysa in kooxna ay horusocod sameysay halka kooxda kale ay gadaal u socod bilowday.

Inay ku guuldareystaan inay ka sarre maraan kooxda Manchester United marka la gaaro bisha May waxa ay keeni kartaa in jamaahiirta Man City ay ku baaqaan in la bedelo hogaanka kooxda.

United ayaa qaab ciyaareed fiican heshay taasoo bedeshay nasiibkooda waxaana uu Van Gaal ugu danbeyn helay shaxdiisii ugu fiicneyd: Daley Blind oo daafac bidix ka ciyaara, Michael Carrick oo booska burburiyaha loo daayo, Maroune Fellaini iyo Ander Herrera oo si wacan iskula shaqeeya, Ashley Young oo duulaya, Juan Mata oo boos joogta ah helay iyo Wayne Rooney oo afka hore lagu soo bilaabayo.Waana ay u shaqeysay gaar ahaan labada magac ee ugu danbeeya oo ka ciyaaraya boosas muhim ah.

Iyadoo laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay, shaxda Man City ayaa u muuqata kuwa caajisay oo tamartii ay ka dhamaatay. Man City guul waa ay gaari karaan haddii Yaya Toure iyo Sergio Ageuro ay mar kale la soo baxaan qaab ciyaareedkooda ugu fiicnaa oo beryahaan laga waayay.

Aguero sida Van Gaal ayuu aaminsan yahay inay horyaalka lagu guuleysan karo weli. Gool la’aantiisa shantii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ayaana ka mid ah sababaha aysan City ugu guuleysan karin horyaalka.

Haatan wax walba waxa ay isagu soo uruureen horyaal yar oo labo Manchester ka dhaxeeya. Waa kulankii 152aad ee horyaalka ee Manchester derby. Chelsea iyo Arsenal waxa ay u sacabatumi doonaan inay galaan barbarahoodii 50aad.

MAXAA KA CUSUB?

Weeraryahanka Manchester United Robin van Persie ayaa seegi doona kulanka maanta inkastoo uu ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah.

Chris Smalling ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo madaama xumad ay soo wajahday, halka Luke Shaw uu dhaawac yahay islamarkaana Jonny Evans uu ganaax ku maqan yahay.

Manchester City ayaa qiimeyn doonta xaalada kabtankeeda Vincent Kompany, kaasoo dhaawac muruqa bowdada ah qaba islamarkaana shaki uu ku jiro inuu ciyaari karo.

Weeraryahan Wilfried Bony ayaa dhaawacyo canqowga iyo jilibka ah la maqan, halka Dedryck Boyata iyo Stevan Jovetic ay sidoo kale seegi doonaan kulanka maanta.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United (4-2-3-1):De Gea; Valencia, Jones, Smalling, Blind; Carrick; Fellaini, Herrera; Mata, Young, Rooney.

Man City (4-2-3-1):Hart; Clichy, Kompany, Demichelis, Zabaleta; Toure, Fernandinho; Navas, Silva, Milner; Aguero.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa markii ugu horeysay horyaalka guushii shanaad oo isku xigta ka gaari karta maanta kooxda Manchester United.
  • Waxa ay sidoo kale noqon kartaa markii ugu horeysay oo koox Premier League ka dhisan ay shan jeer oo isku xigta ka badiso United.
  • Man City ayaa badisay lix ka mid ah todobadii kulan ee Premier League ee ugu danbeysay ee ay wajaheen United.
  • Waxa ay sidoo kale badiyeen seddexdii booqasho ee ugu danbeysay ee Old Trafford iyagoo mudadaas ku dhaliyay 11 gool.