Daawo:Dallada SYNA iyo Ardayda Jamacadda Alpha oo Wacyigelin Dhinaca Caafimadka iyo Fayodhowrka ah ka fuliyey Caasimadda Hargeysa, olole Qashin Ururin ah na Bilaabay

0
Wednesday April 02, 2014 - 18:31:24 in by Super Admin
  • Visits: 1100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Dallada SYNA iyo Ardayda Jamacadda Alpha oo Wacyigelin Dhinaca Caafimadka iyo Fayodhowrka ah ka fuliyey Caasimadda Hargeysa, olole Qashin Ururin ah na Bilaabay

    Dallada SYNA oo Olole Ballaadhan oo wacyigelin ah ka bilowday Gobolada iyo degmooyinka Dalka, garbaha ay ku duulaysaana ay yihiin dhalinyarada somaliland ee gobol iyo degmo kasta, ayaa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dallada SYNA oo Olole Ballaadhan oo wacyigelin ah ka bilowday Gobolada iyo degmooyinka Dalka, garbaha ay ku duulaysaana ay yihiin dhalinyarada somaliland ee gobol iyo degmo kasta, ayaa.... Dallada Wacyigelinta iyo isku xidhka Dhalinyarada Somaliland ee SYNA oo kaashanaysa Ardayda Jamacadda Alpha gaar ahaan Kulliyada Caafimaadka ayaa saka wacyigelin dhinaca caafimaadka  iyo fayodhowrka ah ka fuliyey caasimadda somalliland ee Hargeysa.

Dallada SYNA oo Olole Ballaadhan oo wacyigelin ah ka bilowday Gobolada iyo degmooyinka Dalka, garbaha ay ku duulaysaana ay yihiin dhalinyarada somaliland ee gobol iyo degmo kasta, oo ku hawlan sidii Dalladani isugu hawli lahayd isu keenida afkaarta dhalinyarada dalkan somaliland ayaa hore wacyigelin la xidhiidha Qabyaaladda Iyo Tahriibka uga fulisay Bishii la soo dhaafay Magaalada Burco, iyadoo Saakana ka fulisay Magaalada Hargeysa Wacyigelin dhinaca Fayodhowrka ah, iyado olole ballaadhan oo qashinka lagu gubayona ku qaaday Goobo qashinka lagu daadiyo oo caasimada dhexdeeda ah sida Togga weyn ee Dhex mara Caasimadda iyo Goobo kale.

Masuliyiinta Dallada SYNA ee Hargeysa iyo xubno ka mid ah Ardayda Jamacadda Alpha ayaa ka warbixiyey muhiimadda Barnaamijkan Wacyigelinta ahi u leeyahay Bulshada, waxayna xuseen in qof kasta oo wacyigelin samaynayaa ay haboon tahay inu ficil kana raaciyo islamarkaasna Ay Dhalinyarada SYNA iyo Dhalinta jamacaduhu ba diyaar u yihiin inay Bilaaban hawl kasta oo ay dadka u sheegayan inay iyagu horta qabtaan, iyagoo saakaba gubay Qashin aad u badan oo dhex toonsanaa Gudaha Caasimadda.

Masuliyiinta SYNA Hargeysa aya sidii horeba ay u sheegeen masuliyinta SYNA Burco xusay in Ololaha wacyigelinta ahi isugu jiro dhowr nooc Dalka oo dhanna u ka soconayo Sannadkan, iyado Dhalinyaradana lagu wacyigelinayo inay ka qaybqaataan halganka loogujiro in lahelo dhalinyaro midaysan, oo aqoon iyo awood ba wax ku bedeli karta, oo yeelata Tirada ay leeyihiin Tayadeeda, waxayna xuseen in Maalmaha soo socdana Xaflado wacyigelin ah lagu qaban doono Berbera iyo Borama iyo weliba CEERIGAABO.





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com