Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Champions League Ee Atletico Madrid v Real Madrid.

0
Tuesday April 14, 2015 - 10:52:21 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Champions League Ee Atletico Madrid v Real Madrid.

    Kulanka: Atletico Madrid v Real Madrid Garoonka: Vicente Calderon Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Atletico Madrid v Real Madrid Garoonka: Vicente Calderon Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika


Club Atlético de Madrid iyoReal Madrid CF ayaa mar kale ku kulmaya wareega 8da ka dib markii finalkii sannadkii hore ay Merengues siisay rikoorka koobkoodii 10aad.

Xilli ciyaareedkii hore Real ayaa 4-1 ku dubatay Atletico Madrid islamarkaana ka qaaday Champions League iyagoo u dabaaldegay koobkoodii 10aad ee Koobka Kooxaha Horyaalka Yurub.

Tan iyo markaase kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid iyada ayay ku soo wareegtay burhaanta lagamana badinin lix kulan oo ay la ciyaareen Real Madrid. Kooxda heysata horyaalka Spain ee Atletico ayaa ku garaacday Real koobkii Super Cup, waxa ay ka saareen Copa del Rey waxaana ay garaaceen labadii kulan ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Atlético waxa ay sidoo kale badisay dhamaan afartii kulan ee ay gurigeeda ku ciyaartay xilli ciyaareedkan Champions League, halka Real Madrid ay iyadana gacanta sarre laheyd dhamaan kulamadii ay martida aheyd tartankaan.

MAXAA KA CUSUB?

Real koox buuxda oo awood leh ayay heystaan markii ugu horeysay muddo shan bilood ah, iyadoo James Rodrigurz iyo Toni Kroos ay ka soo laabanayaan ganaaxyo ay kaga maqnaayeen La Liga, halka Atletico Madrid uu niyada u dhisay soo laabashada weeraryahanka 20ka gool u dhaliyay Mario Mandzukic ka dib dhaawac canqowga uu ku maqnaa. Raul Garcia ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka soo kabto dhaawac xusulka ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Atlético: Oblak; Juanfran, Miranda, Godín, Gámez; Arda Turan, Tiago, Suárez, Koke; Griezmann, Mandžukić.

Madrid: Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Marcelo; Kroos, Modrić, James; Bale, Benzema, Ronaldo.

MA OGTAHAY?

  • Kooxda Atletico Madrid waxa ay markii todobaad ka soo muuqaneysaa wareega 8da Champions League, waxaana ay raadinayaan inay markii shanaad iska xaadiriyaan semi-finalka.
  • Real Madrid waa markii shanaad oo isku xigta oo ay ka soo muuqdaan wareega 8da, waxa ay soo badiyeen dhamaan afartii jeer hore iyo sideed ka mid ah sagaalkii jeer ee ugu danbeysay ee ay wareegaan soo gaareen. Madrid ayaa isku dayaysa inay noqoto kooxdii ugu horeysay ee koobkaan difaacata tan iyo markii koobka loo bixiyay Champions League.