UEFA Oo Shaacisay Garsooraha Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Adag Ee PSG VS Barcelona

0
Tuesday April 14, 2015 - 11:16:32 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Oo Shaacisay Garsooraha Dhex Dhexaadin Doona Kulanka Adag Ee PSG VS Barcelona

    xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka xiisaha badan ee dhex mari doona kooxaha PSG Iyo Barcelona. Kulankan ayaa ka tirsan wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga kaas oo ay lugtiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka xiisaha badan ee dhex mari doona kooxaha PSG Iyo Barcelona. Kulankan ayaa ka tirsan wareega sideed dhamaadka Champions Leaque-ga kaas oo ay lugtiisa hore ka dhici doonto garoonka PSG

Garsooraha Ingiriiska ah ee Mark Clattenburg ayaa loo magacaabay inuu dhex dhexaadiyo kulanka ay Barcelona booqan doonto kooxda PSG, waxaana caawin doona shan garsoore oo iyaguna ka soo jeeda dalka Ingiriiska.

UEFA ayaa garsoore Clattenburg u aragta mid ka mid ah garsooraha ugu fiican garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska. Garsoore Martin Atkinson oo ka mid ah garsoorayaasha horyaalka Ingiriiska ayaan ka mid ahayn garsoorayaasha loo soo doortay inay dhex dhexaadiyaan kulamada sideed dhamaadka Champions Leaque-ga.

Simon Beck ,Jake Collin, Anthony Taylor, Andre Marriner iyo Stuart Burt ayaa dhamaantood la shaqayn doona Mark Clattenburg. Clattenburg ayaa xalay dhex dhexaadinayay kulankii Manchester derby, waxaana lagu eedeeyay in aanu Vincent Kompany kaadhka cas oo toos ah u taagin kadib markii uu qalad ku galay Daley Blind laakiin markii uu la tashi la sameeyay caawiyihiisa ayuu go’aansaday inuu kaadhka digniinta ah siiyo.

Clattenburg ayaa xili ciyaareedkan dhex dhexe kulamo Champions Leaque-ga ah, wuxuuna xili ciyaareedkan horyaalka Yurub iyo kan ingiriiska ka bixiyay 148 kaadh oo digniin ah iyo waliba 4 kaadh oo casaan ah isaga oo kaadhadhkaas ku bixiyay 38 kulan.