Hordhac: Juventus vs As Monaco: Allegri OO Doonaya Inuu 12-sano Kadib Juve Semi Final Geeyo

0
Tuesday April 14, 2015 - 11:23:41 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Juventus vs As Monaco: Allegri OO Doonaya Inuu 12-sano Kadib Juve Semi Final Geeyo

    Juventus ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta maanta kooxda As Monaco kulan ka tirsan Quater Finalka koobka Champions League lugta hore xili kooxda Turin ka dhisan aysan heerkaan dhaafin tan iyo sanadii 2003.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Juventus ayaa garoonkeeda kusoo dhaweyn doonta maanta kooxda As Monaco kulan ka tirsan Quater Finalka koobka Champions League lugta hore xili kooxda Turin ka dhisan aysan heerkaan dhaafin tan iyo sanadii 2003.


As Monaco ayaa qudheeda ay ugu dambeysay iney heerkaan gaarto sanadii 2004, markaas oo ay tageen Finalka tartankaan inkastoo ay ku baxeen gacmaha Porto.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Juventus vs As Monaco

Tartanka: UEFA Champions League

Garoonka: Juventus Arena

Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Gigi Buffon iyo Tevez ayaa dib ugu soo laabanaya shaxda Allegri kadib markii ay seegen kulankii ay guuldarada kala kulmeen Parma todobaadkaan, Allegri wiilashiisa ayaana raadinaya iney gaaran Semi Finalka tan iyo 2003 markaas oo ay heerkaan ku garaaceen Barcelona.

Paul Pogba ayaa dhaawac ku seegi doona, balse Marchisio ayey buuxin doona booskiisa, halka Roberto Pereyra uu ka dambeyn doono weerarka Morata iyo Tevez.

Barzagli ayaa diyaar noqon kara hadii Allegri uu ciyaari doono caawa 3-52, balse sida la filayo 4-3-1-2 ayuu ciyaari doona.

Dhanka kale Monaco ayaa weyn doonta kabtankooda Toulalan kadib markii uu ka baxay ciyaartii ay 3-0 ku dhaafeen Caen jimcadii.

MA OGTAHAY:

Juventus ayaan guuldaro la kulmin11-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay tartamada yurub ku ciyaarto gurigeeda, waxaana ku jirta guushii ay ka gaartay Dortmund wareega 16-ka.

Juventus dhamaan guulo ayey gaartay 10-kulan oo ay tartankaan kula ciyaartay kooxaha reer France gaar ahaan wareegyada kala harka.

Lichtsteiner, Morata, Pogba, Roberto Pereyra iyoArturo Vidal ayaa hal jaale u jira iney seegaan kulanka lugta labaad ee France ka dhici doona.

Waa markii ugu horeysay oo ay Monaco la ciyaareyso koox ka socota talyaaniga, tan iyo sanadii 1998-dii markaas oo ay ku baxeen gacmaha isla Juvetus-ta ay caawa la ciyaari doonaan.

Yannick Ferreira-Carrasco, João Moutinho iyoKurzawa ayaa hal jaale u jira iney seegaan kulanka lugta labaad.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

JUVENTUS:

Buffon, Evra, Chiellini, Bonucci, Lichsteiner, Vidal, Pirlo, Marchisio, Pereyra, Morata, Tevez

AS MONACO:

Subasic, Kurzawa, Abdennour, Wallace, Fabinho, Toulalan, Kondogbia, Martial, Moutinho, Ferreira-Carrasco, Berbatov