Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield Oo Qalinka Ku Duugay Aqoonsiga Somaliland.

0
Wednesday April 02, 2014 - 22:03:19 in by salman abdi
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield Oo Qalinka Ku Duugay Aqoonsiga Somaliland.

    Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield Ee Dalka Ingiriiska Ayaa Si Aan Kala Hadh Lahayn Ugu Codeeyey Aqoonsiga Somaliland .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield Ee Dalka Ingiriiska Ayaa Si Aan Kala Hadh Lahayn Ugu Codeeyey Aqoonsiga Somaliland .

Ogolaanshaha Aqoonsigana Ayaa Ka Dambeeyey Ka Dib Markii Golaha Deegaanka Ee Magaaladaasi Ay Ay Dood Adag Ka Yeesheen Arintan Isla Markaana Ka Dib Cod Loo Qaaday Ay Ogolaadeen 84 Xildhibaan In Somaliland Ay Ahaato Qaran Madax Banaan, Halka Hal Xildhibaan Ka Aamusay .sha2

 

Shacabka Reer Somaliland Ee Ku Nool Dalka Ingiriiska Iskagana Yimi Magaalooyinka Wadankaasi Ayaa Markaasi Ka Dib Barxada Hore Ee Xarunta Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield Ka Hor Sameeyey Isku Soo Bax Weyn Oo Ay Ku Taageersan Yihiin Talaabadan Muhiimka U Ah Dadka Reer Somaliland Ee Ay Ku Dhawaaqeen Golaha Deegaanka Ee Magaalada Shafield .

Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis Iyo Xubno Kale Oo Ka Tirsan Xukuumada Ayaa Kala Qayb Galay Dadweynaha Magaaladda Shafield Dabaal Dega Soo Dhaweynta Aqoonsi Magaaleedka Ay Somaliland Ka Heshay 85-Ka Xildhibaan Ee Ka Arrimiya Magaaladda Shafield.

Arrintan Ayaa Dhabada U Sii Xaadhi Karta Aqoonsi Ay Somaliland Ka Hesho Dunida Inteeda Kale, Waxaana Inta Badan Ka Soo Shaqeeyay Jaaliyada Reer Somaliland Ee Magaaladaasi Qadiimiga Ah Ku Dhaqan


Afkashacabka.com

Shafield /Office

Contact@afkashacabka.com