Kooxda Chelsea Oo Guul Ka Gaadhay Dhigeeda Man.united Iyo Qodobo Kale + SAWIRO

0
Sunday April 19, 2015 - 12:20:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Chelsea Oo Guul Ka Gaadhay Dhigeeda Man.united Iyo Qodobo Kale + SAWIRO

    Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Manchester United oo marti u ahayd, Blues ayaa guushan ku gaadhay 1:0, waxaana gooka kaliya ee kulankan lagu kala baxay Chelsea udhaliyay Eden Hazard. Guushan ayaa Chelsea ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge guul muhiim ah kaga gaadhay kooxda Manchester United oo marti u ahayd, Blues ayaa guushan ku gaadhay 1:0, waxaana gooka kaliya ee kulankan lagu kala baxay Chelsea udhaliyay Eden Hazard. Guushan ayaa Chelsea ka caawinaysa inay ku sii dhawaato hanashda horyaalka Ingiriiska oo ay hogaankiisa ay xili ciyareedka oo dhan haysay.Chelsea ayaa hadda hogaanka horyaalka ku qabatay 10 dhibcood oo saafi ah.


kooxda horyaalka hogaaminaysa ee Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaynaysay kooxda Manchester United, kulankan ayaana ahaa mid xiiso badan isla markaana la ogaa inuu saamayn wayn ku yeelan karo hogaanka horyaalka.

217

Cheslea oo ah kooxda kaliya ee aan xili ciyaareedkan garoonkeeda lagaga badin ayaa doonaysay inay sii xejisato hogaanka horyaalka isla markaana ay sii ilaashato dhibcaha dheeriga ah ee ay taxadar ahaan horyaalka ugu hogaaminayso.Jaun Mata ayaa markii ugu horaysay dib ugu soo laabtay Stamford Bridge isaga oo Man United matalaya.Mata

Manchester United oo hadda qaab ciyaareed fiican ku jirta ayaa iyaduna dagaal ugu jirta sidii ay kaalinta labaad ugala bixi lahayd Arsenal oo iyadu kulanka FA Cupka wareegasa afar dhamaadka la ciyaaraysay kooxda Reeding.Man United ayayt kulankan dhaawac kaga maqnaayeen xidigo muhiim ah oo uu ka mid ahaa Carrick sidoo kale Chelsea ayuu ka maqnaa Costa oo ah gool dhaliyahooda ugu goolasha badan xili ciyaareedkan.Sir Alex Ferguson ayaana ka mid ah dadka ciyaartan daawanayay ee Stamfrod Bridge ka soo xaadiray.sir

Kulanka ayaa markiiba dardar ku bilawday iyada oo Man United noqotay kooxda fursada ugu horaysay heshay, waxaana daqiiqdii 4 aad ee bilawgii ciyaarta Man United goolka furitaanka udhalin gaadhay Wayn Rooney. Luka Shaw ayaa soo jabsaday dhinaca bixid, wuxuuna kubbad halis ah soo daba dhigay difaaca Blues laakiin Rooney ayaa kubbada wax yar umariyay goolka Chelsea.Man United ayaana ciyaarta ku bilaabatay qaab dardar fiican ah.roo

Manchester United ayaa 15 kii daqiiqo ee ugu horaysayba boosishanka gacanta ku dhigtay iyada oo si fiican khadka dhexe uga ciyaaraysay.Laakiin Chelsea ayaa weerarka ay Man United ku soo qaadaysay si fiican iskaga difaacday, halka ay sidoo kale isku dayaysay inay weerar deg deg ah ku qaado goolka Man United.man

Markii ay ciyaartu soo gaadhay daqiiqadii 28 ayay Chelsea bilawday inay saamaynteeda la soo baxdo, waxayna abuurtay fursadaheedii ciyaarta ugu horeeyay.Kadib markii ay fursado abuurtay ayay Chelsea ugu danbayn ciyaarta hogaanka u qabatay, waxaana goolka furitaanka daqiiqadii 38 aad udhaliyay Eden Hazard kaas oo ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay Oscar, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Hazard

Chelsea ayaa kubbad ka soo qaadatay khadka dhexe waxaana kubbda si fiican Hazard ugu soo dhiibay Oscar, xidiga ree Bilgium ayaan wax qalad ah samayn, wuxuuna Hazard kooxdiisa goolkaa kaga dulqaaday culayska ka haystay Man United.Hazard ayaa muujiyay sababta uu ugu soo baxay liiska kooban ee lixda ciyaartoy ah ee u tartami doona abaal marinta xidiga xili ciyaareedkan ugu fiican.Hazard1

Qaybta hore ee ciyaarta ayaan ahayn mid fursado halis ah oo badan ay labada kooxood sameeyeen. Man United ayaa fursadii ugu halista badnayd heshay daqiiqadii 4 aad markii uu Rooney goolka furitaanka udhalin gaadhay laakiin waxay 45 ka daqiiqo ee qaybtii hore ee ciyaarta ku guuldaraysatay inay hal bartilmaameed samayso, inkasta oo ay bosishanka ku haysay boqolkiiba 64%. Chelsea ayaa qaybta hore samaysay hal bartilmaameed oo kaliya, kaasna waxy ku dhashatay goolka furitaanka.chles

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay labada kooxod soo laabteen iyada oo aan wax isbadal ah lagu samayn shaxdii ay ciyaarta ku soo galeen, waxayna ciyaartu noqotay mid ka xiiso badan qaabkii ay ahayd qaybtii hore ee ciyaarta, waxayna labada kooxoodba bilaabeen inay weeraro halis ah isku qaadaan.

Daqiiqadii 55 aad ayay Chelsea heshay fursad gool loo fishay isla markaana ay jamaahiirta Chelses bilaabeen inay u dabaal dagaan, kadib markii ay Droba iyo Hazard heleen laba fursadood oo isxigay oo ay goolka labaad ku dhalin gaadheen. Matic ayaa kubbad layaableh meel fog uga soo dhiibay Drobga, wuxuuna Drogba kubbada ka dulqaaday De Gea , waxaana kubbada sii raacay Hazard kaas oo dadaalkiisu ku dhamaaday inuu birta garaaco.hazard4

Man United aya markeeda bilawday inay weeraro isdaba joog ah, waxaana daqiiqadii 61 aad fursada ugu halista badnayd helay da’yarkaMcNair kaas oo kubbad kantaal ah ku tuuray goolka Chelsea wuxuuna kubbada ka soo darbeeyay meel 25 yards u jirtay goolka Blues, laakiin goolhaye Courtios ayaa sameeyay badbaadin fantastik ah.Man United ayaana fursado badan oo kale abuurtay laakiin difaaca Chelsea ayaa si fiican iskaga difaacay.

Falcao ayaa fursado fiican helay wuxuuna ku guuldaraystay inuu kooxdiisa ugu faa’iidayo fursadaha qaaliga ah ee uu helay.Daqiiqadii 77 aad ayuu Shaw kubbad fiican siiyay Falcao, wuxuuna xidiga ree Colombia kubada kula soo baxay goolka Chelsea isaga oo sii fiican xerada gaaxa Blues u soo galay, laakiin dadaalkiisa ayaa ku dhamaaday inay kubbadu birta dhinaca dibada kaga dhacdo.

Man United ayaa bilawday inays amayso qaab kasta oo ay goolka barbaraha kula iman karto, iyada oo weerar badan soo gashay, halka ay Chelsea ku dadaalaysay inay goolka kaliya difaacato isla markaana ay weerar deg deg ah qaado marka ay kubbada hesho.Dhamaadkii ciyaarta ayaa kaadhka digniinta ah lagu siiyay Herrera inuu istuuray si uu rekoodhe guu guulaysto.ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaaday 1:0 ay Chelsea ku gaadhay guul muhiim ugu ah horyaalka ay xili ciyaareedka oo dhan hogaankiisa haysay.

Hordhac: Man City v West Ham – Sky Blues Oo Dooneysa Inay Ka Soo Kabsato Guuldaradii Manchester Derby.

ManCity_WestHam

Kulanka: Man City v West Ham

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 3:30pm Saacada Geeska Afrika

Xilli ciyaareedka Manchester City ayaa qarka u saaran burbur iyadoo waxa kaliya ee ay isku sabarsiin karaan xilli ciyaareed koob la’aan ah ay tahay inay xaqiijistaan booskooda Champions League. Waxaana kooxda hanatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore niyad-dhis u ah guuldaradii xalayto Man United ka soo gaartay Chelsea.

Man City oo ku jirta kaalinta afaraad ayaa afar dhibcood ka danbeysa Man United ka dib markii la tumay kulankii Manchester Derby, laakiin guul ay maanta gaaraan ay ka dhigi karta inay farqigaas ka dhigaan hal dhibic oo ay u jirsadaan kooxda kaalinta 3aad ee Man United iyo labo dhibcood oo ay ka danbeeyaan kooxda kaalinta labaad ee Arsenal oo kulan uu u harsan yahay.

MAXAA KA CUSUB?

Kabtanka Manchester CIty Vincent Kompany ayaa seegi kara inta ka hartay xilli ciyaareedkan ka dib dhaawac muruqa bowdada ah oo soo gaartay kulankii ay guuldarada kala kulmeen kooxda Manchester United.

Dedryck Boyata ayaa taam ah laakiin City waxaa ka maqan Wilfried Bony, Gael Clichy, James Milner iyo Steven Jovetic.

Weeraryahanka West Ham Carlton Cole ayaa bedeli kara Diafra Sakho kaasoo xilli ciyaareedkiisa uu soo gabagabeyn karo dhaawac soo gaaray.Enner Valencia ayaa taam ah inkastoo uu dhaawac yar ka soo gaaray cagta.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-4-2):Hart; Zabaleta, Demichelis, Mangala, Kolarov; Nasri, Fernandinho, Toure, Silva; Aguero, Dzeko.

West Ham (4-5-1):Adrian; Cresswell, Reid, Collins, Jenkinson; Valencia, Song, Noble, Kouyate, Downing; Cole.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City ayaa badisay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay martigelisay kooxda West Ham tartamada oo dhan.

  • Guul ay gaarto West Ham ayaa ka dhigi doonta markii ugu horeysay horyaalka ee ay minan iyo marti garaacaan Manchester City tan iyo xilli ciyaareedkan 1962-63, markaasoo ay labada kulan ku badiyeen 6-1. 



  • Contact@afkashacabka.com