Daawo:Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Beeniyay In Ay Fadhiisteen Mishiinadii Lagu Samayn Jiray Baasaabooradu

0
Sunday April 19, 2015 - 22:38:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Beeniyay In Ay Fadhiisteen Mishiinadii Lagu Samayn Jiray Baasaabooradu

    Taliyaha Laanta Socdaalka Jamuuriyadda Somaliland,Md. Maxamed Yuusuf Canbaro,ayaa meesha ka saaray warar maalmihii ugu danbeeyay ay Warabaahinta guduhu daabacaysay oo daaranaa inuu gubtay Server-kii lagu samaynayay Passprt-ka ee cusub ee E-Passapor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Laanta Socdaalka Jamuuriyadda Somaliland,Md. Maxamed Yuusuf Canbaro,ayaa meesha ka saaray warar maalmihii ugu danbeeyay ay Warabaahinta guduhu daabacaysay oo daaranaa inuu gubtay Server-kii lagu samaynayay Passprt-ka ee cusub ee E-Passapor.



Waxaana uu sheegay Taliyuhu in aanu warkaasi jirin,islamarkaana uu Server-ku sidiisii u shaqaynayo,Bushaduna ay sideedii hore u qaadayanayso Passaport-gooda.

Taliyaha oo maanta qeybaha Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii "Runtii Warbaahinta Aanu Aadka Isku Dhow Nahay Qaar Ka Mid Ahi Hadii Ay Qalad Qoreen Koley Lama Yaabeyno.Lakiin Waxaa Weeye Wax Marxawad La’aan U Gubtey Ma Jiro,aduunkana ma Jirto Wax Marxawad La’aan U Fadhiista Server-ka Soo Saarka Passaporka Somaliland Ilaalintiisa Iyo daryeelkiisuna Waa Wax Ka badan Marwxad wax U gubta”.

Waxaana uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii wata:”Serverku Waa Uu Shaqeynayaa, Dadkuna wey Qaadanayaa Passaporka. Waana ay soo baxeen,waxaana ay aheyd Farsamo Gacmeed La Doonayey In Lagu Mideeyo Diwaan Galinta Muwaadinka Si Loo Ogaado Xogta Qofka Muwaadinka Ah Ee Halkaas Iska Diwaan”.ayuu yidhi 



Contact@afkashacabka.com