Midawga Yurub oo Cadaadis lagu saaray inay si Naxariisle ula dhaqmaan Tahriibeyaasha

0
Monday April 20, 2015 - 11:17:04 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Midawga Yurub oo Cadaadis lagu saaray inay si Naxariisle ula dhaqmaan Tahriibeyaasha

    Hoggamiyayasha qaarada Yurub ayaa wajahaaya cadaadis looga dalbanaaya in ay badalaan sida ay ula tacalaan xaaladda muhajiriinta ku qulqulaya badda Mediterranean-ka kadib markii doon waday boqolaal qof ay ku degtay xeebta dalka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggamiyayasha qaarada Yurub ayaa wajahaaya cadaadis looga dalbanaaya in ay badalaan sida ay ula tacalaan xaaladda muhajiriinta ku qulqulaya badda Mediterranean-ka kadib markii doon waday boqolaal qof ay ku degtay xeebta dalka Liibiya.


Ra'iisal wasaaraha Dalka Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ku baqaay kullan deg deg ah oo ay isugu yimaadaan madaxda Midowga Yurub isaago dalbadaay in lasoo qabta dadka ka shaqeeya tahriibinta dadka.

Sidoo kale, Ra'iisal wasaaraha Malta, Joseph Muscat ayaa ka digay in taariikhda baal madow laga galaya haddii beesha caalamku ay ku guul-dareysato in ay la tacaasho dhibaatada dadka muhaajiriinta ah ee naftooda ku soo biimeynaya badda Mediterranean-ka.

Illaa iyo hadda waxaa la soo badbadiyay 30 qof oo doontaasi saarnayd iyadoo la filaya in intaasi ka badan la soo badbaadiyo.



contact@afkashaacbka.com