wakiilka Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Weerar lagu qaaday Gaadhi ay lahayd Qaramada Midoobay Magaalada garoowe

0
Monday April 20, 2015 - 17:16:39 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    wakiilka Qaramada Midoobay oo cambaareeyay Weerar lagu qaaday Gaadhi ay lahayd Qaramada Midoobay Magaalada garoowe

    Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia danjire Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka gaari ay QM lahayd maanta lagula beegaday magaalada Garoowe; weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia danjire Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka gaari ay QM lahayd maanta lagula beegaday magaalada Garoowe; weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan .

"Waxaa iga nixiyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadfan baahida dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Kay.

Saaka abaarihii 8:00 aroornimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqey-naayay Puntland lala beegsaday qarxa, waxayna waxyeello kasoo gaartay dad aan tiradooda s rasmi ah loo ogeyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

"Arrintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, haddana waxay u mideysan yihiin sidii ay howshooda u sii wadi lahaayeen. QM waxaa ka go'an inay barbar-taagnaato shacabka Soomaaliyeed. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku naf-waayeen iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas,” ayuu yiri Nicholas kay.

Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxayna ku tilmaantay inay weerartay waxay ugu yeertay gumeysi jooga Somalia; iyadoo afhayeenkooda uu sheegay inay tiro badan ku dileen qaraxaas.