Ururka Qareennada Somaliland Oo Madaxwaynaha Kula Taliyey Inaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ka Soo Dhex Xulin Beesha Dhexe

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:38:32 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Qareennada Somaliland Oo Madaxwaynaha Kula Taliyey Inaanu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ka Soo Dhex Xulin Beesha Dhexe

    Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA), Garyaqaan Fawsi Sheekh Yoonis Xasan ayaa Madaxweynaha kula taliyey inuu masuulka loo soo Magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare laga soo xulo sharci-yaqaannada gobolka Sool, isla-markaana aan doo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland ee (SOLLA), Garyaqaan Fawsi Sheekh Yoonis Xasan ayaa Madaxweynaha kula taliyey inuu masuulka loo soo Magacaabayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare laga soo xulo sharci-yaqaannada gobolka Sool, isla-markaana aan doorkan laga soo xulin beesha dhexe.


 


 

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal talo soo jeedin ah oo uu shalay soo gaadhsiiyey saxaafadda, kaasi oo u qornaa sidan "Mudane Madaxweyne iyadoo loo baahan yahay in siyaasadda Somaliland iyo Dastuurka qarankuba ay ka tarjumaan awood-qaybsiga (Power sharing) beelaha Somaliland oo ah in beelaha Somaliland loo xaq-sooro xaga saami qaybsiga. Inkasta oo aad wax ka qabatay tabashooyin badan oo ka jiray dhanka bariga iyo galbeedka labadaba, haddana wali waxa jira tabashooyin badan oo dhanka bariga ah, kuwaasi oo u baahan si qaranimadeenu taam u noqoto in wax laga qabto, waxaanan talo ku soo jeedinayaa mudane Madaxweyne in aad kursiga Maxkamadda Sare aad ka dhex doorato Garyaqaanada ka soo jeeda Gobolka Sool, iyadoo ay joogaan sharciyaqaano khibrad iyo aqoon ba u leh sharciga, dadnimadooduna buuxin karto, kana soo shaqeeyay hay’adaha Garsoorka intii uu qarankani Jamhuuriyadda Somaaliland jiray iyo intii ka Mudane Madaxweyne iyadoo ay jirto in aan Dastuurka Somaliland u xaq-soorin beelaha Somaliland, oo aanu ka tarjumaynin nidaamka siyaasadeed ee Somaliland u baahan tahay in ay siyaasadeedu ku salaysnaato, oo aragti ahaana aan qabo in qaab-dhismeedka Golaha Fulintu uu yeeshu Madaxweyne iyo Labo Madaxweyne ku-xigeen, si Dastuurkeenu u noqdo mid duruufteena iyo sida aynu u eegnahay ka turjumaya, taas oo ku xidhan wax-ka-baddelka Dastuurkeena xiliga la gaadho ee ay haboonaato wax-ka-beddelkiisu, waxaan soo jeedinayaa in aan beesha dhexe noqon habartii la yidhi boqolka cad u qaybi haweenka, ee tidhi waxba is-dhaafin maayo, oo mid waliba aniguu igu Sidaasi daraadeed mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in aad Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee aad magacaabi doonto ka dhex doorato Garyaqaanada u dhashay Gobolka Sool….”

Contact@afkashacabka.com