Warar Dheerada Oo Ka Soo Baxaya Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magalada Garoowe Iyo Ajaanibki La Beegsaday Dalalkay Kasoo Jedeen Akhriso

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:43:42 in by salman abdi
  • Visits: 805
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheerada Oo Ka Soo Baxaya Qaraxii Shalay Ka Dhacay Magalada Garoowe Iyo Ajaanibki La Beegsaday Dalalkay Kasoo Jedeen Akhriso

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa shalay ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe kaasoo lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha hay'adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, iyadoo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxa shalay ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe kaasoo lagu dilay 7 ka mid ah shaqaalaha hay'adda UNICEF ee Qaramada Midoobay, iyadoo mas'uuliyaddiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.


Taliyaha ciidamada Cali Salaad ayaa sheegay in weerarkan ay kasoo gaadhay waxyeello dhimasho iyo dhaawac ah shaqaale isugu jira Soomaali iyo ajnabi "Maanta (shalay) waa maalin madow, balse argagaxisada dhibaatadan geysatay waa inay ogaadaan in dhiiga ay daadiyeen aanu noqon doonin mid la hilmaamo, waxaana ku qaban doonnaa gacan bir ah,” ayuu yidhi Col. Saciid oo Garoowe kula hadlay warbaahinta.

Sarkaal ka tirsan booliiska Puntland oo isna lagu magacaabo, Axmed Cabdullaahi Samatar ayaa sheegay in weerarka ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ajnabi.

 


 

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, Axmed Cabdulaahi Samatar (Layli )ayaa sheegay in ruuxa is qarxiyay uu saarnaa gaadhiga, waxaana taliyaha uu ka gaabsaday in ruuxan is qarxiyay uu ka tirsanaa hay’adda shaqaalaheeda iyo in kale, inkasta oo warar Madax-banaan oo Warbaahintu heshay ay sheegayaan in gaadhiga la qarxiyey uu miino hoosta kaga xidhay dirawalkii waday, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu xidhiidh la lahaa kooxda Al-shabaab.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo isna qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay iyagu mas’uul ka yihiin qaraxii ka dhacay xarunta Puntland ee Garoowe.

"Weerarka aan ka fulinnay Garoowe waxaanu ku dilnay tiro shaqaalaha Qaramada Midoobay ka mid ahaa, waxaana ku dhaawacnay tiro kale. Kuwan waxay ka mid ahaayeen ajaanibta gumeysiga ku jooga Soomaaliya,” ayuu yidhi Sh. Abuu-Mucab oo la hadlya AFP.

Dadka ajaanibka ah ee ku dhintay Weerarkaasi ayaa laba ka mid ah u dhasheen dalka Kenya, midna u dhashay dalka Uganda, midna dalka Afghanistaan. Halka ajaanibka dhaawacmay uu ku jiro hal qof oo u dhashay dalka Maraykanka, sida uu sheegay Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Garoowe.

Contact@afkashacabka.com