Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ka Yidhi Muranka Ka Aloosan Dakada Berbera

0
Tuesday April 21, 2015 - 12:43:48 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Ka Yidhi Muranka Ka Aloosan Dakada Berbera

    Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa luuqad adag ku naqdiyey nidaamka ay dawladu u dhaxal-wareejinayso dekadda magaaladda Berbera oo la filayo inay dhawaan ku wareejiso shirkad Imaaraati ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxwaynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa luuqad adag ku naqdiyey nidaamka ay dawladu u dhaxal-wareejinayso dekadda magaaladda Berbera oo la filayo inay dhawaan ku wareejiso shirkad Imaaraati ah.

Jamaal Cali Xuseen ayaa nasiib-daro ku tilmaamay dhaxal-wareejinta isha-dhaqaale ee dalka oo ah ay kasoo xaroodo 100$ in ka badan dakhliga dawladu, kaas oo sheegay in arrimaha noocaas oo kale ay ka xishoodeen xukuumadihii hore ee talada dalka soo qabtay.

Musharaxa Madaxwaynaha UCID Mr Jamaal ayaa sidaasi ku sheegay munaasibad balaadhan oo ay habeen hore jaaliyada reer Somaliland ee magaaladda Edminton ee gobolka alberta ee dalka Kanada,kuwaas oo u qabtay xaflad ay ku taageerayaal musharaxnimadiisa jagada dalka ugu saraysa ee madaxwaynaha.

Shirkaas lagu taageerayo musharaxnimada madaxwaynaha UCID oo ay iskugu yimaadeen bulsho aad u tiro badan waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Alberta ee dalka Kanada ee xisbiga UCID Kamaal Cali Jirre, Caasha Koosaar oo ah gudoomiyaha garabka haweenka ee Kanada ee UCID, guddoomiye ku xigeenka gobolkaas ee xisbigga UCID Maxamed Qori iyo masuuliyiin faro badan oo xilal ka haya xisbigga UCID.

Waxa isaguna goobta ka hadlay General Maxamed Isxal oo ka tirsan Madasha Wadatashiga Somaliland iyo masuuliyiin ka socday labadda Xisbi Qaran ee Kulmiye iyo Waddani, iyo madaxda jaaliyaddaha Edminton iyo Calgary. Sidoo kale munaasibadaasi ayaa ahayd mid laysku arkay oo si mug iyo miisaan leh loo soo agaasimay.

Masuuliyiinta halkaas ka hadlay ayaa dhamaantood xukuumadda Siilaanyo uga digay inay ku tagri-fasho hantida ummadda, iyagoo xasuusiyey mushiladii iyo dhibtii loo soo maray xornimadda Somaliland oo ay sheegeen inay khatar ku jirto wakhtigan oo aan intaa wax ka badan lagu aamini Karin xukuumadda xisbiga Kulmiye. Ugu danbayn waxa halkaas ka hadlay musharaxa madaxwaynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, kaas oo ka hadlay arrimo door ah ayaa isagoo ka hadlaya xaalada dalku marayo ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Dalka in la maalgeliyo waa muhiim waananu ogolnahay laakiin waa in wax walba ay noqdaan wax cad oo aanu madmadow ku jirin oo Baarlamaanka la mariyaa; runtiina dawlad wakhtigeedii dhamaatay inay dekadda Berbera arrimaheeda wareejiso maaha iyadoo aanay dadka u sharaxin faa'iidada ay leedahay; laakiin wixii la qariyo qudhun baa ku jira”.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey "Hadday dawladuu maalgashi raadinayso; maxaa keenay in la qariyo maadaama arrinkan dekadda Berbera uu ilaa xilligii Riyaalle socday oo ay dawladihii hore taxadir badan ka sameeyeen. waa Ilaahay mahadii kol haddii UCID laga taageersan yahay meesha duniddda Waqooyi ugu xigta ee gobolka Alberta ee dalka Kanada; run ahaantii ismaan lahayn waxaan oo dad ah baaba joogee kuligiin waad mahadsan tihiin".

Isagoo hadalkisa sii wata Jamaal Cali Xuseen isla markaana ka hadlaya aragtidiisa la xidhiidha xil ka qaadistiisii guddoomiyaha maxkamadda sarre, waxa uu intaas raaciyey "Guddoomiyaha Maxkamadda Sare xilka Madaxweynahu wuxuu xaq ugu leeyahay inuu u gudbiyo labada golle, laakiin digreeto sidii wasiiradda ah loogama qaadi karo ee waa inay dawladdu iyaddu sharcigga dhaowrto".

Musharaxa Madaxwaynaha Xisbiga UCID Md Jamaal isagoo hadalkiisa sii watam waxa uu intaas raaciyey

"Xisbiga Kulmiye barigii uu mucaaridka ahaa wuxuu ka qaylin jiray 4 daarood oo Hindian Line-ka ku yaala oo xukuumadii Rayaale iibisay oo aanay marinin Baarlamaanka laakiin imika xukuumaddani waxaabay ku dhiiratay arrimo aanay hungurayn jirin dawladii UDUB ayey qoladani dekadii Berbera ee dalka oo dhan quudinaysay ay u xadhko xidheen in iyagoo ay mudadoodii sharciyada ahayd ka hadhsan tahay wax ka yar 68 cisho inay dhaxal-wareejiyaan dekadii dakhliga dawladuba 90% ka soo xaroonayey”.

Isagoo hadalkiisa sii wata isla marka

Dhinaca kale waxa iyaguna xafladaasi ka soo qaybgalay fanaaniin oo ay ka mid tahay Shamis Qarda-Jeex iyo fanaaniin dhalinyaro ahi ah oo kale, kuwaas oo heeso Waddaniya munaasibadaasi ka qaaday, iyadoo gabo-gabadii munaasibadaasi ay halkaasi qudbad aad u soo jiidatay fanaanada Shamis  Qarda-Jeex oo iyaduna si toos ah hore ugu cadeysay inay ka mid tahay xisbigga UCID taageero mug lehna la daba taagan tahay madaxda xisbigaasi.


Contact@afkashacabka.com