Marwadda Kowaad Ee Qaranka Oo Soo Kormeertay Xarunta Agoomaha Iyo Danyartu Wax Ka Bartaan Ee Kuwayt

0
Tuesday April 21, 2015 - 17:23:49 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwadda Kowaad Ee Qaranka Oo Soo Kormeertay Xarunta Agoomaha Iyo Danyartu Wax Ka Bartaan Ee Kuwayt

    Marwada koowaad ee madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland marwo aamina Maxamed sheekh Jirde ayaa maanta kormeer ku tagtay marshuuca dhismaha Iskuulka boodhinka ah ee Kuwait

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marwada koowaad ee madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland marwo aamina Maxamed sheekh Jirde ayaa maanta kormeer ku tagtay marshuuca dhismaha Iskuulka boodhinka ah ee Kuwait

 

 maalgelisay, kaasoo loogu talo galay inay wax ku bartaan agoomaha iyo dadka danyarta ah ee u dhashay Somaliland waxaa kaloo ugu horayntii ay marwadu soo booqotay dhismaha labaad ee loogu talo galay in loo dhiso gabdhaha oo uu hore madaxwaynaha jamuuriyada Somaliland uu dhagax dhigay.

Kormeerkan waxaa marwada ku wehelinaayay wasiirka maaliyada marwo zamzam cabdi aadan, Maareeyaha Xafiiska samofalka dib-u-dejinta, marwo aamina maxamuud diiriye, xoghayaha gaarka ee madaxwaynaha Cali Axmed Cali iyo masuuliyiin kale oo tiro badan marwada ayaa kormeerkeedani ku salaysnaa sidii ay xogogaal uga noqon lahayd xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin caruurtaa agoomaha ah.

Marwada oo halkaasi ka hadashayna waxay tidhi "Waxa farxad weyn ii ah inaanu maanta kormeer ku imaado xarunta agoomaha ee ay maalgalisay dawladda Kuwayd. Illaahay waxaanu uga baryaynaa inuu khayr ka siiyo waxaa kale oon aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa Kuwayd maadama ay is xil qaameen oo ay ajar ka shaqaysteen caruurtaa agoomaha ah .

Marwada

Agoontu waa qayb ka mid ah bulshada reer Somaliland oo mushtamaceenu ahmiyad weyn siinayo oo u baahan in la koriyo iyo wax la baro, waxaana loo baahan yahay in reer Somaliland door weyn ka qaataan wixii ka dhiman ee ay u baahan yihiin "marwadu waxay intaasi raacisay ”.

Dawladda iska xilsaartay xaruntaa quruxda badan ee wax walba leh, hadday noqoto farsamadii aqoontii maadiga iyo, meeshii lagu cibaadaysanayey mar labaad ayaan u mahadnaqaynaa.”

Ugu danbayntii waxay maamulka xarunta agoomaha ee kuwayd ay maalgalisay casho sharaf ugu sameeyeen marwada iyo xubnaha kale ee la socday, waxaa kale oo hal shahaadooyin ku dugoonsiiyeen marwada maadaama ay tahay qofka dhiiri galisa agoomaha kana war haysa xaaladahooda.