Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulamadii Ay Real Madrid Iyo Juventus Xalayto Ugu Soo Baxeen Semi-finalka Champions League.

0
Thursday April 23, 2015 - 11:23:52 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shan Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulamadii Ay Real Madrid Iyo Juventus Xalayto Ugu Soo Baxeen Semi-finalka Champions League.

    Real Madrid iyo Juventus ayaa buukintay booskooda wareega afar dhamaadka Champions League. Gool uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid iyo Juventus ayaa buukintay booskooda wareega afar dhamaadka Champions League. Gool uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta

 Javier Hernandez ayaa ka caawiyay Real Madrid inay 1-0 ku dardarto deriskooda Atletico Madrid lugta labaad ee wareega 8da iyadoo lugtii hore ay barbaro goolal la’aan ah ku soo dhamaaday. Dhanka Faransiiska kooxda Monaco ayaa nasiibkooda koobka uu soo dhamaaday iyadoo Juventus ay xaqiijisatay booskeeda wareega afar dhamaadka ka dib barbaro goolal la’aan ah oo ay ku qabteen, iyagoo lugtii hore ee Turin ku soo badiyay 1-0. Hadaba waxaan eegeynaa shan waxyaabood oo laga bartay labadii kulan ee xalayto.

Carlo qiimeyn uma ahayo ragiisa la ilaaway.

Real-Madrid-v-Atletico-Madrid

Iyadoo xiddiga khadka dhexe Luka Modric uu dhaawac ku seegay kulankii xalayto, waxaa mar walba la filayay in tababare Ancelotti uu isbedel dhanka taatikada ah sameeyo, waana ay noqotay. Laakiin inkastoo xiddigo khadka dhexe oo ku fadhiya 65 milyan ginni ay kursiga keydka fadhiyeen, macalinka Real Madrid ayaa daafaca dhexe Sergio Ramos ka ciyaarsiiyay khadka dhexe islamarkaana u doortay booska burburiyaha. Taasoo keentay in Sami Khedira, Illarramendi iyo Silva ay ka soo daawaadaan ciyaarta kursiga keydka iyadoo mid ka mid ah xiddigaha kooxda laga ciyaarsiiyay boos aan booskiisa aheyn. Waxaana ay taasi muujineysaa in macalinka Talyaaniga uusan ku kalsooneyn xiddigahaas xitaa haddii ay baahi weyn jirto.

Javier Hernandez weli ma dhumin.

1

Chicharito waddo dheer ayuu u soo maray inuu kubada cagta Yurub yimaado ka dib wacdarro uu ka dhigay kooxdiisa hore ee Guadalajara waxa ay keentay in Man United ay soo iibsato. Laakiin ilaa iyo haatan waxa uu u muuqdaa hooska ciyaaryahankii uu ahaa markii lagu soo bilaabayay finalkii Champions League ee 2011 ee Man United. Xalayto waxaa loo xilsaaray inuu bedelo Karim Benzema, waana uu isku dayay intii tababartiisa ah inuu buuxiyo ilaa iyo ugu danbeyn uu ka dhaliyo goolka guusha. Waa hubaal ma sii joogi doono Real Madrid xilli ciyaareedka danbe, mana noqon doono xalka weerarka Man United laakiin 26 jirkaan weli waa laga faa’ideysan karaa tayadiisa.

Atletico mar walba waa Atletico.

3

Macalinkooda Diego Simoene waxa uu kooxdiisa u diyaariyaa si isku mid ah. Waxba ma ahan xaalada iyo tartanka la ciyaarayo waxa ay u ciyaaraan si isku mid ah waana ay u shaqeysaa. Kooxda Atletico waa koox u muuqata inay mar walba koontaroolka heyneyso xitaa haddii ay u muuqdaan in laga badinayo, waa ay dagaalamaan, waa ay isbiirit badan yihiin waana ay difaacdaan weliba si adag waana sida ay jecel yihiin. Uma aysan shaqeynin xalayto laakiin sharad haka ku gelin in Simeone uu wax ka bedeli doono qaab ciyaareedkooda.

Monaco nasiibkii ayaa ka dhamaaday

4

Monaco ayaa wareega 8da u soo baxday iyagoo si criiri ah kaga soo gudbay Arsenal labadii lug ee ay ciyaareen inkastoo kulankii Emirates ay si raaxo leh ku badiyeen. Laakiin kulankii lugta labaad waxa uu tusaale fiican u ahaa sida loo soo baxo adigoon u qalmin.

Nasiib ayayna lugtaas labaad kaga soo gudbeen Arsenal waana ay ugu filnaatay. Laakiin kulankii Juventus nasiibkii wuu ka dhamaaday. Labada lug ee wareega 8da Monaco kubad fiican ayay la ciyaartay Juventus laakiin markaan iyaga ayaa daaqada laga tuuray.

Juve lama yasi karo.

5

Sida kulankii Madrid, kulankii ay Juve wajahday Monaco ma aheyn mid qurux badan, Kooxda Talyaaniga waa ay liidatay qeybtii hore gaar ahaan, inkastoo haatan aysan taasi wax micno ah soo kordhineynin. Kooxda Marwada Duqda ah muddo dheer ayay ku dhibtooneysay inay meel sarre ka gaarto tartamada Yurub laakiin haatan uu macalin u yahay Max Alllegri waxaa macquul ah inay taasi isbedesho. Waxaana ay diyaar u yihiin inay hore u sii socdaan.