Shirkii 56-aad, Ee Golaha Difaacayaasha Xuquuqal Inasaanka Afrika, Oo Lagu Soo Bandhigay Xadgudubyada Ka Dhaca Soomaaliya, Iyo Sudan

0
Friday April 24, 2015 - 10:31:37 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii 56-aad, Ee Golaha Difaacayaasha Xuquuqal Inasaanka Afrika, Oo Lagu Soo Bandhigay Xadgudubyada Ka Dhaca Soomaaliya, Iyo Sudan

    Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Badhtamaha Qaaradda Afrika Dr. Hassan Shire, oo ka hadlay shirweynihii 56-aad, ee Golaha difaacayaasha xuquuqul Insaanka Afrika, (The African Commission on Human and Peoples' Rig

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Guddiga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Badhtamaha Qaaradda Afrika Dr. Hassan Shire, oo ka hadlay shirweynihii 56-aad, ee Golaha difaacayaasha xuquuqul Insaanka Afrika, (The African Commission on Human and Peoples' Rights (ACHPR) ee ka socda caasimadda dalka Gambia ee Banjul, ayaa soo bandhigay xadgudubyada tacadiyada ah ee ku wajahan xuquuqal Insaanka, ee ka dhaca wadamada bariga Afrika, khaas ahaan Somalia, Kenya, Djibouti, Eritrea iyo Ethiopia.


Dr. Hassan Shire, waxa oo ka xog-waramay waxyaabihii ay Guudiga ka mid ah difaacayaasha xuquuqal Insaanka Qaaradda Afrka, ay kala soo kulmeen Soomaaliya, oo ay dhawaan ku tageen safar shaqo, isaga oo carabaabay in ay guddigaasi cadeeyeen in Soomaaliya, ay weli ka socdaan oo ay ka jiraan xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadamaha.

 

Haweenayda lagu magacaabo Madam Reine, oo ka mid ahayd xubnihii Guddigan, ee Soomaaliya u tagay hubinta arrimahan, ayaa ka dhawaajisay in safarkii ay ku tageen Soomaaliya, ay kulamo kala duwan la soo yeesheen, Madaxweynaha Soomaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo difaacayaasha xuquuqda aadamaha, waxaanay tibaaxday in ay dhammaantood ku wergeliyeen sida ay waajibka u tahay illaalinta xuquuqda Addamahu.

Dhinaca kale, waxa madasha shir-weynahan khudbado ka jeediyay xubno ka tirsan difaacayaasha xuquuqada aadamaha, oo ka socday dalka Sudan Mr, Amir Suleymaan iyo Marwo Abbas, waxaanay soo qadimeen oo ay ka warbixiyeen xadgudubyada tacadiyada ah ee ay dawlada Sudan, kula kacdo Siyaasiyiinta, Suxufiyiinta iyo dadka kale ee ka tirsan waxgaradka dalkaasi, waxaanay si weyn u dhaliileen qaabkii ay u qabsoontay doorashadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalka Sudan, oo ay sifeeyeen in ay ahayd mid si weyn loogu shubtay oo aanay inta badan codaynin muwaadiniinta dalka Sudan,.doorashadaas oo uu mar kale ku guulaystay Madaxweyne Cumar Al-Bashiir, iyaga oo ku tilmaamay Madaxweynaha Sudan, in uu yahay kaligii taliye caqabad ku ah Dimoqraadiyada, Xoriyatul qowlka, iy illaalinya xuquuqal Insaanla dalka Sudan.









Contact@afkashacabka.com