Hordhac: Arsenal v Chelsea – Shan Sanno Ka Dib Gunners Gurigeeda Ma Kaga Badin Doontaa Blues. Wenger-se Guushiisii Ugu Horeysay Maka Gaari Doonaa Mourinho?

0
Sunday April 26, 2015 - 12:08:02 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Arsenal v Chelsea – Shan Sanno Ka Dib Gunners Gurigeeda Ma Kaga Badin Doontaa Blues. Wenger-se Guushiisii Ugu Horeysay Maka Gaari Doonaa Mourinho?

    Kulanka: Arsenal v Chelsea Garoonka: Emirates Stadium Xilli ciyaareedkii hore: Arsenal 0-0 Chelsea Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Arsenal v Chelsea Garoonka: Emirates Stadium Xilli ciyaareedkii hore: Arsenal 0-0 Chelsea Waqtiga: 6pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Mike Oliver


Sannadihii u danbeeyay oo dhan burhaanta magaalada London waxaa la wareegtay kooxda u sharaxan hanashada horyaalka ee Chelsea, kuwaasoo gacanta sarre ka lahaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee Arsenal. Gunners waxa ugu danbeysay shan sanno ka hor inay gurigeeda Emirates Stadium kaga badiso Chelsea. Tan iyo 2010kii waxaa ay Arsenal ku soo dhaweysay garoonkeeda kooxda Chelsea afar jeer, labo jeer waxa ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, halka labada jeer kale ay badisay Chelsea kulan Premier League ah iyo kulan League Cup ah.

Dhanka kale, tababare Mourinho ayaa isna inkaar ay ka heysataa kulamada uu wajaho macalinka Chelsea Jose Mourinho. Maanta waxa uu wajihi doonaa kulankiisii 13aad, 12 kulan ay hore isku soo arkeena hal mar xitaa guusha ma aysan raacin macalinka Faransiiska ah. Kulanka maanta labada kooxood muhim ayuu u yahay laakiin Chelsea haddii ay badiso waxa ay hal gacan ku soo qaban doontaa dhegta koobka horyaalka iyadoo u baahnaan doonta inay arbacada ka badiso kaliya Leicester City si ay u xaqiijisato hanashada horyaalka.

MAXAA KA CUSUB?

Daafaca Arsenal Per Mertesacker ayaa 50-50 ah inuu ciyaari karo kulanka maanta ka dib marrkii uu uu dhaawac canqowga ah ku soo gaaray kulankii wareega afar dhamaadka FA Cup ee isbuucii hore.Mikel Arteta iyo Alex Oxlade-Chamberlain weli taam buuxda uma ahan iyagoo ka soo kabsanaya dhaawacyo canqowga iyo gumaarka ka soo kala gaaray.

Macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa xilli danbe go’aansan doona haddii uu riski gelin doono weeraryahankiisa Diego Costa kaasoo dhibaato muruqa ah la dhibtoonaya. Weeraryahanka kale Loic Remy ayaa la maqan dhaawac kubka ah, sidaasi darteed da’ yarka Dominic Solanke ayaa kursiga keydka la soo fariisin doonaa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Arsenal (4-2-3-1):Ospina; Bellerin, Gabriel, Koscienly, Monreal; Coquelin, Cazorla; Ramsey, Ozil, Sanchez; Drogba.

Chelsea (4-2-3-1):Courtois; Azpilicueta; Terry, Cahill; Ivanovic; Matic, Ramires; Hazard, Fabregas, Willian; Drogba.

MA OGTAHAY?

  • Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato Chelsea afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan. Waxaana mudadaas laga dhaliyay iyaga 10 gool.
  • Arsenal ayaa badisay kaliya labo ka mid ah 12kii kulan ee horyaalka ee ugu danbeysay ee ay ku dhaceen Chelsea, iyadoo sideed kulan oo ka mid ah laga badiyay.
  • Markii ugu danbeysay ee ay Gunners gurigeeda kaga badiso Chelsea waxa ay aheyd 2010kii. Tan iyo markaas waxaa jiray labo barbaro oo goolal la’aan ah, 2-1 oo ay Chelsea ku badisay Premier League, iyo 2-0 oo ay Chelsea ku badisay kulan League Cup ah.
  • Kulankii kale ee labadaan kooxood dhexmaray horaantii xilli ciyaareedkan ee ka dhacay Stamford Bridge bishii October. Arsenal waa ay ku guuldareysatay inay hal darbo oo bartilmaameedsan hesho waana markii ugu horeysay ee ay sidaas ku dhacdo ciyaar Premier League ah tan iyo September 2003.
Contact@Afkashacabka.com