Bayern Munich Oo Heshiis 10 Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 645 Milyan La Gashay Adidas, Laakiin Waa In 100 Milyan Ka Yar Inta Ay Man United Ka Qaadaneyso Adidas.

0
Wednesday April 29, 2015 - 10:33:46 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bayern Munich Oo Heshiis 10 Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 645 Milyan La Gashay Adidas, Laakiin Waa In 100 Milyan Ka Yar Inta Ay Man United Ka Qaadaneyso Adidas.

    Bayern Munich ayaa sii kordhisay qandaraaska xayaysiinta ee ay kula jirto shirkada Adidas ee maaliyada u sameysa iyagoo ka dhigay ilaa iyo 2030ka, waxaana la rumeysan yahay in qandaraaska cusub uu ku kacayo 645 milyan ginni.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayern Munich ayaa sii kordhisay qandaraaska xayaysiinta ee ay kula jirto shirkada Adidas ee maaliyada u sameysa iyagoo ka dhigay ilaa iyo 2030ka, waxaana la rumeysan yahay in qandaraaska cusub uu ku kacayo 645 milyan ginni.


Heshiiska ay haatan Adidas kula jirto kooxda Pep Guardiola ayaa waxaa ka harsan shan sanadood, laakiin shirkada sameysa agabka isboortis ee Jarmalka ayaa 10 sanno kale ku dartay heshiiskaas shalayto.

"Heshiis kordhintaan waxa ay socon doontaa ilaa 2030, waxaana sii socon doona xiriirka mudada dheer ee ka dhaxeeya Adidas iyo FC Bayern Munchen.” ayuu afhayeenka Adidas u sheegay Oliver Bruggen.

Heshiiskaas ayaase ka badan 100 milyan ginni ka yar heshiiska 750 milyan ginni ee ay Adidas la gashay Manchester United islamarkaana ay maaliyadahooda ugu sameyn doonto wixii ka danbeeya xilli ciyaareedka soo socda. Kooxda Louis van Gaal ayaa soo gabagabeyneysa xilli ciyaareedkaan xiriirkii 13ka sanno ee ay la laheyd shirkada Nike, iyadoo Adidas ay hada wixii ka danbeeya u soo saari doonto maaliyadaheeda.

Adidas ayaa sidoo kale boqolkiiba 8.3 waxa ay leeyihiin lahaanshaha kooxda Bayern Munich, waxaana warkaan uu ku soo aaday xilli kooxda Pep Guardiola laga reebay koobka German Cup ka dib markii semi-finalkii ay la ciyaareen Borussia Dortmund looga badiyay rigoore iyagoo wax rigoore ah dhalin waayay.