"$2 Million oo Dollar ayaa ku baxa Soo Dhaweynta Wasiirada. Somaliland maanta ma awood baynu u leenahay in wasiir walba sida maamuus kii madaxweynaha lagu soo dhaweeyo"Jamal Ali Husein

0
Saturday April 05, 2014 - 08:31:29 in by Super Admin
  • Visits: 708
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "$2 Million oo Dollar ayaa ku baxa Soo Dhaweynta Wasiirada. Somaliland maanta ma awood baynu u leenahay in wasiir walba sida maamuus kii madaxweynaha lagu soo dhaweeyo"Jamal Ali Husein

    Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeedhay lacagta aadka u badan ee ku baxda soo dhawaynta Wasiiradda xukuumadda Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeedhay lacagta aadka u badan ee ku baxda soo dhawaynta Wasiiradda xukuumadda Somaliland,

isaga oo hoosta ka xariiqay isla markaana caalamatul su’aal geliyay in aanay xukuumaddu awood dhaqaale u lahayn bixinta lacagtaa Malaayiinka Dollar ah hadii Wasiir walba lagu soo dhaweeyo hab-maamuus la mid ah hab-maamuska loo soo dhaweeyo Madaxweynaha Somaliland,

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay Qoraalkaa kooban oo uu ku faafiyey bartiisa internet-ka. waxaanu u dhignaa sidan
"$2 Million oo Dollar ayaa ku baxa Soo Dhaweynta Wasiirada. Somaliland maanta ma awood baynu u leenahay in wasiir walba sida maamuus kii madaxweynaha lagu soo dhaweeyo. Waxaaba la sheegayaa in wasiirada soo dhaweyntooda ay Ku baxdo markiiba $5,000 Shan Kun oo dollar. Haddaba markaan xisaabiyey in celcelis ahaan wasiirkiiba sanadkii aan yareeyoo 4 jeer la soo dhaweeyo, oo 50-ka wasiir ee xukuumaddan la xisaabiyo ugu yaraan sanadkii waa Hal malyuun oo dollar.”

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi "Hadaan Ku daro Hal malyuun oo dollar oo safarada goboladda ah, waxay isku tegaysaa isu-geynta lacagtaasi $ 2 million oo soo Dhaweynta iyo safarada goboladda ah. Hadda weliba kumaan Darin safarada ay dibadda ugu baxaan kharashkooda, bal aan u yareeyee oo Ilaahay baan idinku dhaarshee miyaan lacagtaasi laga soo guray canshuurta shacabka Somaliland ee dan’ yarta ah aynaan wax kale uga faa’iideysan karin’’. ayu yidhi Jamal Ali husein





Afkashacabka.com

Toronto /Office

Contact@afkashacabka.com