Shilgaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Hargaysa Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawac
-




(Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo ka dhacay duleedka Caasimadda Hargeysa,
kuwaasoo u kala
dhashay dalalka Somaliland iyo Spain oo ka tirsanaa Hay’adda Cuntada iyo
Beeraha Adduunka ee FAO, kana kala tirsanaa Xafiisyadeeda Hargeysa iyo
Nairobi.
Shilkan Gaadhi, ayaa ka dhacay Bariga magaaada Hargeysa gaar ahaan goob
lagu qiyaasay inay 15-KM u jirta Kaantarroolka Halleeya, gaar ahaan meel
u dhaw deegaanka Aw Barkhadle ee Jidka isku xidha magaalooyinka Berbera
iyo Hargeysa, kaasoo dhacay gelinkii dambe ee Arbacadii shalay, ka dib
markii uu Gaadhi nooca Waaraadka loo yaqaanno ah oo Lo’ u siday dhinaca
Berbera uu dul-maray Gaadhi Langaruser (Laangaruuusal) kuwa Hay’aduhu
kaxaystaan ah oo ka yimi dhinaca Berbera oo ay la socdeen Saraakiisha
shilkaas ku dhintay ee ka hawlgalayey Hay’adda FAO.
Labadan qof ee ku geeriyooday Shilkan Baabuur, ayaa kala ah Jorge
Torrens oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa Waaxda Kalluumeysiga u qaabbilsan
Hay’adda FAO oo fadhigiisu ahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla
markaana hawl shaqo u yimid dalka Somaliland, isagoo maalmihii u
danbeeyeyna ku sugnaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Ninka
labaad ee Shilkan ku geeriyooday ayaa isna la odhan jiray Marxuum Yaxye
Xirsi, Illaahay naxariistii Janno haka waraabiyee waxa uu ka mid ahaa
Darawallada Baabuurta Hay’adda FAO Xafiiskeeda Somaliland, isagoo Waday
Gaadhigan Shilka galay.
Meydka labadan qof ee ku dhintay Shilka Gaadhi, ayaa la geeyay
Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana Ciidammada Nabadgelyada
Waddooyinka Somaliland bilaabeen baadhitaanka la xidhiidha sidii uu
Shilkaasi u dhacay. Waxaana la filayaa in Khamiista maanta magaalada
Hargeysa lagu aaso Marxuumka reer Somaliland ee Yaxye Xirsi, halka la
filayo in Ninkan Ajaanibka ah loo duuliyo waddanka uu u dhashay ee Spain
inkasta oo aan weli la xaqiijin.
Inkasta oo uu Wargeyska Himilo isku deyey inuu xidhiidh la sameeyo
Taliska guud ee Booliska Somaliland, Taliska Ciidammada nabadgelyada
Waddooyinka ee Taraafikada iyo Hay’adda FAO Xafiiskeeda Hargeysa,
haddana noomay suuragelin inaannu wax war ah dhinacyadaas si toosa uga
helno, ka dib markii ay Taleefannadooda gacanta naga qaban waayeen marar
kala duwan oo aannu xalay ka wacnay
Contact@afkashacabka.com
Shilgaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Hargaysa Oo Sababay Dhimashada Iyo Dhaawac
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay Shil Gaadhi oo ka dhacay duleedka Caasimadda Hargeysa,