Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka hadlay Shaqaaqada Degaanka Taleex iyo Nabadaynta Ay Wadaan

0
Tuesday May 05, 2015 - 10:00:34 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka hadlay Shaqaaqada Degaanka Taleex iyo Nabadaynta Ay Wadaan

    Ergadda ka socota dawladda Somaliland ee hawlaha nabadaynta iyo xalinta u jooga shaqaaqo dhawaan laba ardaa ku dhex martay magaalada Taleex ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ergadda ka socota dawladda Somaliland ee hawlaha nabadaynta iyo xalinta u jooga shaqaaqo dhawaan laba ardaa ku dhex martay magaalada Taleex , ayaa sheegay in ay meel fiican wax u marayaan, isla markaana ay wejigii hore ee xalinta arrintaasi ku guulaysteen in ay la hadlaan waxgaradka labadda dhinac.

Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo ka mid ergadda uu hogaaminayo wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac ee metelaya dawladda, oo xalay khadka telefoonka ugu wawramayay Dawan, isagoo ku sugan Taleex, ayaa sheegay in ay bilaabeen wejiga hore ee xalinta beelaha shaqaaqadu dhex martay, isla markaana ay kulamo la yeesheen waxgaradka labadda dhinac kuna booriyeen sidii nabadgelyadda loo ilaalin lahaa.

 

Waxaanu tilmaamay in hawsha ay hadda dawladu gacanta ku hayso, taasi oo ah in marka hore si buuxda amaanka magaaladda gacanta loogu qabto, iyadoo ka dibna looga gudbi doono wareega kale oo ah sida loo xalinayo arrinta iyo gogosha nabada ee lagu kala xukumayo in cid waliba ay ka sheegato waxa gaadhay una hesho.

 

 

Waxaanu yidhi "Hawluhu meel fiican ayay marayaan dhinacyadii arrintu khusaysay waanu la kulanay, saraakiisha ciidamadda qarankana waanu la kulanay, meel wanaagsan ayaanay wax noo marayaan, wejiga hore anagu waxaanu ku tallogalnay in aanu awood saarno xagga nabadda, oo ah in aan magaaladda cid hub sidata dhaqdhaqaaqi Karin, oo ciidamadu way qabanayaan, markaa awoodaasi ayaanu isticmaalnay, hawlaha dhamaanba sidooda ayay u fuleen”.

 

Waxa kale oo uu sheegay xildhibaan Koore, in ay la kulmeen waxgaradka labadda dhinac, oo ay ujeediyeen hadalo waano iyo wax sheeg ah oo ay ugu hogotusaalaynayeen inay nabadgelyadda ilaaliyaan "Labadda qayboodba waanu la kulanay, tallo iyo tusaale iyo sidii nabaddu u islaaxi lahayd waanu kala hadalnay iyo qaabka looga gudbi doono iyo in dawladu ay hadda meesha maamulkeeda gacanta ku hayso, oo nabadda aanay cidna ku ciyaari Karin.

Aad iyo aadna waanu iskula qaadanay, magaaladda, hub lalama dhex mari karo lalamana soo geli karo, gaadhi aan kuwa ciidanka qaranka ahayni ma dhex mari karo magaalada, waana u sheegnay dhamaanba dadka aanu u aqoonsana in ay yihiin fidmo-wadeyaal waa la qabanayaa,”ayuu yidhi xildhibaan Koore.

 

 

 

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay beelaha xurgufta ku dhexmatay Taleex, waxaa jira ergooyin ka kala imanayay goboladda dalka oo isugu jira madax dhaqameed, siyaasiyiin, Guurti iyo ergadda ka socota dhinaca xukuumadda Somaliland, kuwaasi oo dhamaantoodba halkaasi u tegaya sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen waan-waanta nabadda ee la dhex dhigayo beelaha dagaalamay.

 

Xildhibaanka oo aanu waydiinay warar sheegayay in beel ka mid ah beelaha dagaalamay ay diiday gogosha nabadda, waxa uu ku jawaabay, oo uu yidhi "Ma jiraan weli wax toos u diiday, waa laga yaabaa in cidi cid tidhaahdo ma ogolin, laakiin wax diiday ma jiraa, welina hawlihii nabadaynta lama bilaabin, hadda waxaa lagu jiraa sidii naabdu u xasili lahayd, markaa taasi ayaanu rabnaa in aanu marka hore in aanu gacant aku qabano, markaa taasi la gaadho ayaa wixii wada hadal ah iyo wixii dib u heshiisiin ah la bilaabi doona, welina taasi wakhtigeedii lama gaadhin, laakin hada awood waxaanu saaraynaa nabadaynta iyo in aanu la hadalno odayaasha deegaanka iyo dadka oo aanu bulshadda u sheegno in meesha dawladu gacanta ku hayso cidii ka hor timaadana talaabo laga qaadayo”.

 

Saleebaan Cali Koore, oo aanu waydiinay goor ay bilaabmayaan wada hadalsiinta labadda beelood iyo gogosha nabadda, waxa uu yidhi "Marka aanu si fiican ugu guulaysano in aanu dhaqaajino waxyaabaha nabadaynta ka horeeya oo ah in rukumadda aasaasiga, koow in dadku u dhamaadaan, in cidii hawsha geli lahayd la hello, anagu ka dawlad ahaan labadda beelood u garnaqi mayno, ee cid kale ayaa u garnaqi doonta, ama guurtidda Somaliland ha noqoto ama madx dhaqameedka Somaliland, ayaa iman doonta laakiin anagu hadda waxaanu u tagnay in aanu nabadda sidii loo ilaalin lahaa samayno, anaga iyo ciidamadda qarankaba waajibaadkayaga koowaad kaasi ayuu ahaa, kaasina waanu ku guulaysanay, magaaladana gacan buuxda ayaa lagu hayaa, jawiga aanu hadda maraynaa waa kaa, beel waxa dawladu wado diidi kartaana ma jirto, oo waanu u bandhignay.”

 

 

"Dawladdu waxay leedahay xalinta iyo qaabka loo gelayo, dawladu keligeed malaha ee wada tashi ayaanu yeelanaynaa, guurtidda xukuumadda iyo meelaha ay khusayso oo dhan, dabadeedna markaas ayaa la isla garan doona sida hawsha loo gelayo iyo wadadda loo marayo, markaa waa taas ta aanu wadnaa, dawladana sidaas ayaanu isku ognahay, wixii ka danbeeyana taloo ayaa la iskaga imanayaa.”

 

 

"Waxaa Taleex hadda jogota ergadda uu hogaaminayo Garaad Jaamac Ismaaciil, iyaguna qaybtoodii ayay ka qaateen, hawshana way ku jiraan, ergaduna waxay ka mid yihiin dhinacyadda u diyaarka ah in ay hawsha ka qaybgalaan, labadda beeloodba way la hadleen, waanay u sheegeen in nabadda la ilaaliyo, hawluhuna waa kuwo is dhinac socda oo aan isdiidaynin, aad iyo aad ayaanay ugu mahadsan yihiin doorka ay ka qaadanayaan”.

 

Magaaladda Taleex waxay si rasmi ah Somaliland u gaadhay sanadkii hore, sidoo kale horaantii sanadkan ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu magacaabay gobolka Xaysimo oo ay xaruntiisu tahay magaaladda Taleex hase yeeshee weli lama gaadhsiin xafiisyadda dawladda iyo adeegyada bulshadda, xildhibaan Koore ayaanu waydinay waxa dawladda Somaliland ka hortaagan arrintaasi iyo sababta loo gaadhsiin waayay xafiisyadda hay’adaha dawladda.

 

"Taasi waa hawl dawladdu u taalla, waxaa run ah in aan magaaladan adeegyadii dawladnimo iyo imkaaniyaadkii loo baahnaa ka jirin, marar badan oo wax ka dhaceen ayaanay dawladu timid, madaxweynaha waanu kala hadalnay, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dhex socon doonto in maamulkii yo mashaariic horumarineedba laga fulin doono, laakiin runtii meel aan 24 sanadood aan dawladi ka jirin, waad garan karaysaa, dhibo badan oo maamul la’aaneed ayaa Taleex ka jira, waana waajibaad dawladda iyo xukuumadaba saaran, intaba, dawladuna waa inay fahamtaa muhiimada gobolkan Xaysimo.

 

 

Maamul u dhisida gobolkani wuxuu Somaliland u yahay dan wayn oo sooi afjaraysa khilaafaad dheer, waana goboladii u danbeeyay ee Somaliland, waanu ka muhiimsan yahay gobolada kale, siyaasad ahaan, meelihii ay dalku ka kala gu’I lahaa, oo la rabay in maamulka Somaliland ka hano-qaado oo uu xoog ku yeeshaana waa xuduudka gobolkan” ayuu yidhi xildhibaanku.

 

 

Dhinaca kale Md. Koore, oo aanu waydiinay in isaga laftiisu uu qayb ku leeyahay dayacaada Taleex, maadaama oo uu yahay mudane laga soo doortay deegaanka Taleex, waxa uu yidhi "Mas’uuliyiinta ayaan ka mid ahay oo waan qaadanayaa, qaybtayda, oo ma odhanayo waan ka baxsanahay, laakiin hanta aan saxeexayo, ama awood mamaul oo aan xildhibaan ahaan dhaqaajin karaa ma jirto, awoodaydu waa in aan sheego oo aan xuuumadda gaadhsiiyo muhiimada maamul loo baahan yahay ahaan ay u leedahay Somaliland, iyo in baahi ay u tahay Somaliland gobolkaasi, warbixino badan ayaanan marar badan ka sheegay, meelihii ugu haboonaana waan gaadhsiiyay, sidii la rabayna uma ay soo degdegin, oo loogama jawaabin, waan ku boorinayaa xukuumadda, oo aad ayaan ugu boorinayaa, inay arrintaa wax ka qabato, gaar ahaan sanduuqa horumarinta oo goboladda loo qaybiyay gobolkani oo muhiimadaas u leh Somaliland laguma xusin