Al-shabaab oo xalay soo weerartey fariisin ciidan iyo qaraxyo Boosaaso ka dhacay

0
Tuesday May 05, 2015 - 11:00:43 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo xalay soo weerartey fariisin ciidan iyo qaraxyo Boosaaso ka dhacay

    Bosaaso(AFKA)Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah kusoo qaadey fariisin ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Yalho oo qiyaastii 45km magaalada Boosaaso dhanka koonfur bari kaga beegan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bosaaso(AFKA)Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah kusoo qaadey fariisin ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Yalho oo qiyaastii 45km magaalada Boosaaso dhanka koonfur bari kaga beegan.

Iska-hor imaad xooggan oo socdey muddo hal saac ku dhow ayaa dhex maray kooxdii weerarka soo qaaddey iyo ciidamada, waxaana jira khasaare soo kala gaarey labada dhinac.

Dhanka ciidamada waxaa ka dhintey labo askari saddex kalena way ka dhaawacmeen, balse xog dheeri ah lagama hayo khasaaraha soo gaarey dagaalyahannada Al-shabaab.

Weerarka waxaa sidoo kale lagu gubey labo gaari oo midkood ahaa nooca dagaalka, kuwaasoo ay ciidamada lasoo weeraray lahaayeen.

Kooxaha weerarka soo qaadey waxaa u suurta gashay in muddo kooban ay deegaankaas gacanta ku hayaann, inkastoo markii dambe ay isaga baxeen.

Dhanka kale, dabley hubeysan ayaa xalay soo weerartey bar-kantarool oo magaalada Boosaaso ku taal, taasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan boolisku.

Ugu yaraan saddex nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran doorriga u dhaca iyo bumbooyin ayaa goobta soo weeraray abbaare 8:00 fiidnimo ee xalay.

Weerarkaas waxaa ku dhintey hal qof oo rayid ahaa labo kalena way ku dhaawacmeen.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey, mas'uuliyiinta laamaha ammaanka Maamulka Puntlandna ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saain labada weerar ee xalay dhacay.


Contact@afklashacabka.com