War Deg Deg Ah:Qasabadihii Ceelka Dameero Boob Ee Biyaha Soo Gaadhsiinayay Allaybaday Oo Xalay Lala Baxay Iyo Gudoomiyaha Degmada Oo Falkaasi Lagu Eedaynayo.

0
Tuesday May 05, 2015 - 20:37:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Qasabadihii Ceelka Dameero Boob Ee Biyaha Soo Gaadhsiinayay Allaybaday Oo Xalay Lala Baxay Iyo Gudoomiyaha Degmada Oo Falkaasi Lagu Eedaynayo.

    Qasabadihii Biyaha soo gaadhsiinayay Magaalada Allaybaday ee Ceelka Dameero Boob ee Galbeedka Magaalada Allaybaday ayaa Xalay lagu qabtay qaar ka mid ah oo lala baxay,Xaalada Magaalada Allaybaday oo cakiran iyo masuuliyiintii Ceelka dameero Boob oo H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qasabadihii Biyaha soo gaadhsiinayay Magaalada Allaybaday ee Ceelka Dameero Boob ee Galbeedka Magaalada Allaybaday ayaa Xalay lagu qabtay qaar ka mid ah oo lala baxay,Xaalada Magaalada Allaybaday oo cakiran iyo masuuliyiintii Ceelka dameero Boob oo Hadhwanaagnews uga Waramay sida falkaasi ku dhacay,inta qasabadood ee ay qabteen,halka lala maray iyo warar kale oo dheeraad ah.


Maxamed Aadan Cagay oo ugu horayn Hadhwanaagnews la soo xidhiidhay si weyn uga hawlgalay arintan foosha xun ee lagu biyo tiray Allaybaday ayaa waxa uu yidhi.

"Waxaa Xalay lagu qabtay iyadoo 33 xabo oo Qasabadihii ceelka dameero boob biyaha ka soo qaadayay ah ee Allaybaday Waraabin jiray lala baxay,markii aanu u tagnay Gudoomiyaha Allaybaday Keyse Muxumed Meegaar,waxa uu nagu yidhi,aniga ayaa bixiyay amarka in qasabadaha la soo saaro,qasabadahaasi waxay biyaha ka keenayeen ceelka dameero Boob oo 5km magaaladda galbeedka xiga,waxaanay waraabin jireen Magaalada Allaybaday,waxa jira kaalmo laga dhaansado oo magalada Ku dhex yaala oo qasaabkaasi biyaha soo gaadhsiin jireen oo aan ilaa Xalay biyo laga cabin, Xaaladu cirkaasi ayay marsan tahay,hadii deg deg wax looga qaban waayo,waa in maamulka Gobolku si deg deg ah arintaasi wax uga qabtaan hadii kale talo meel fog ayaa laga dayi doonaa”.

 

Sidoo kale waxa warbixin mugleh xaaladan ka siiyay Ilaaliyihii Ceelka Dameero boob Cabdi Hirad Ismaaciil waxaanu yidhi "Anigu waxaan ahay masuulka ceelka dameero boob ee G albeedka magaalada Allaybaday,24-sano ayaan ilaalinayay,anigu ceelka ayaan ilaaliyaa oo aan fadhiyaa,ka bacdi waxaa Xalay Abaaro 8-Fiidnimo ila soo hadlay nin oday ah oo deegaanka ka tirsan oo la kulmay sidoo kalena arkay qasabadihii oo la foqday,waxa uu i waydiiyay "Beebka ma adaa saaraya?”,maya,ee kama war hayo,ayaan ugu jawaabay,ii kaalay ayaan ku idhi,wuu ii yimid waxaanu igu soo qaaday gaadhigiisii,meeshii ayaanu nimid,waxaan xaqiiqsaday in lagala baxay qasaab,waanu raadcaynay,beertan ayay yaalaan ayaa la nagu yidhi, waanu dul tagnay,waxaanu u tagnay maamula degmada,wuxuu yidhi anaa amray siiyayna,sidaasi ayayna ku haystaan,ka bacdi sidii ayaanu ku nidhi masiin kartid,hantidani waa hanta dad weyne ee sideed u bixisay”. Waxa uu masuulkani sheegay in uu la hadlay wasaarada biyaha Somaliland oo ceelkaasi dawlada uga wakiilad ah islamarkaana uu ka dhursugayo talaabada ay qaadayaan.

Sidoo kale gudoomiyaha Demada Allaybaday Keyse Muxumed Meegaar oo ay wasiirka Beeraha walaalo yihiin oo falkaasi foosha xun ee bahalnimada ah lagu eedaynayo ayaanu iskudaynay inaanu wax ka weydiino,nasiib daro telefankiisii gacanta ayaa xidhnaa,waanu ku celcelinay waananu sugaynaa wixii uu ka yidhaahdo arintaasi lagu eedaynayo. Wararkayaga dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa waraysigiisa.

Badhasaab ku xigeenka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) oo aanu isna telefanka kala xidhiidhnay isagoo ku sugan Gabiley,waxna ka waydiinay dhacdadan Allaybaday iyo ka masuul ahaan sida uu uga warhayo ayaa waxa uu yidhi "waanu Maqalnay falkaasi,aniga iyo Badhasaabka Gabilay oo wada joogna ayaa saaka lanoosoo sheegay,islamarkiiba waxaanu amarsiinay Taliyaha Saldhiga Allaybaday,waxaanu farnay inuu arintaasi xog dhab ah nooga keeno,imika waxaanu sugaynaa warbixintii uu ka soo diyaariyay,wixii talaabo ahna intaa kadib ayaanu qaadaynaa”


Contact@afkashacabka.com