Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Wareegto Uu Soo Saaray Sheekh Aadan Sune Kaga Mamnuucay Inuu Khudbado Iyo Casharo ka Bixiyo Masaajidada Magaalada Hargeysa

0
Tuesday May 05, 2015 - 21:23:59 in
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Wareegto Uu Soo Saaray Sheekh Aadan Sune Kaga Mamnuucay Inuu Khudbado Iyo Casharo ka Bixiyo Masaajidada Magaalada Hargeysa

    Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo saaray wareegto uu Sheekh Aadan Sune kaga mamnuucay khudbaha iyo casharada uu ka bixiyo qaar ka mid ah masaajidada magaalada Hargeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa soo saaray wareegto uu Sheekh Aadan Sune kaga mamnuucay khudbaha iyo casharada uu ka bixiyo qaar ka mid ah masaajidada magaalada Hargeysa.


Wareegtada uu soo saaray wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland ee uu sheekh adan sune kaga mamnuucay masaajidada

Wareegtada uu soo saaray wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland oo shabakada Hadhwanaagnews heshay ayaa waxa uu wasiirku ku sheegay inaan Sheekh Aadan Sune lagu wareejin Karin masaajidka qadiimka ah ee Fadxi, kaas oo dib u dhis balaadhan ay ku samaysay hay’adda islaamiga ah ee Al Huda.

Wareegtada uu wasiirka diintu soo saaray ayaa u dhignayd sidan "Mudayaal Aniga oo
 tixraacaya masuuliyada naadirnimo ee idinka saaran masaajidada aad dhisteen ee aad gacanta ku haysaan oo ah goobo cibaado loogu tala galay iyo in lagu wacyi geliyo bulshada muslimka ah ee dalkeena loona baahan yahay in si degan oo naxariis leh loogu baraarujiyo khudbadaha, lana ilaaliyo asluubta fiican iyo dhaqanka muslimiinta oo ah in laysku wado bulshada lana dhawro midnimada iyo nabad galyada umada iyada oo lagu cadaynayo waxa ay diintu ina fartay loona raacayo adaabta sharciga ah ee wanaag farista iyo xumaan reebista waxa idinku waajib ah inaad la socotaan hadba culimada ka hawl gala oo aad hagtaan.

 

Waxaan halkan idinku farayaa inaad ka joojisaan Sheekh Aadan Cabdi Warsame khudbadaha iyo casharada uu ka bixiyo masaajidka aad ka masuulka tihiin ilaa amar danbe, sidoo kale culimada ka hawl gali doonta waa inaad nala soo socodsiisaan wasaarad ahaan.”

Amarka wasiirka diinta iyo awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan masuuliyiin uu ku jiro la sheegay inay xidheen Sheekh Aadan Sune, kaas oo mudo bil kor u dhaafaysa ku xidhnaa xarunta danbi baadhista ee magaalada Hargeysa.   




Contact@afkashacabka.com