Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Xiisao Badan Ka Qoray Murashaxnimada Muuse Biixi Iyo Taageerada Uu Haysto

0
Wednesday May 06, 2015 - 15:25:02 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Xiisao Badan Ka Qoray Murashaxnimada Muuse Biixi Iyo Taageerada Uu Haysto

    Wargeyska Indian ocean ee ka soo baxa wadanka Faransiiska oo aad uga faallooda siyaasadaha qarsoon ee dunida, ayaa cadadkiisii 1 May ee bishan warbixin uu qoray ku sheegay in Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Indian ocean ee ka soo baxa wadanka Faransiiska oo aad uga faallooda siyaasadaha qarsoon ee dunida, ayaa cadadkiisii 1 May ee bishan warbixin uu qoray ku sheegay in Muuse Biixi

uu dedaal ugu jiro sidii uu u noqon lahaa murashaxa xisbiga KULMIYE ee madaxweyne, marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigiisa dhammaysto.

Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo lagu rajo weynyahay inaanu doorashada dambe isa soo sharixin, ay u dhowdahay in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu noqdo murashaxa bedeli doona Madaxweyne Siilaanyo marka la eego taageerada uu ka haysto aqalka madaxtooyada iyo golaha wasiirada, waxaanay warbixintu sheegtay inay Muuse Biixi murashaxnimadiisa taageersanyihiin wasiiro hadda xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo xubno ka tirsan qoyska madaxtooyada. Warbixintu waxay tilmaantay in ninkii Muuse Biixi sida adag ula baratamayay oo ah Cabdicasiis Maxamed Samaale aanu culayskii hore lahayn tan iyo wixii ka dambeeyay markii lagu bedelay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo qabatay xilkiisii wasiirkiisa maaliyadda.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u cadeeyay inuu murashax madaxweyne noqon doono marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigiisa dhammaysto, isagoo cadeeyay inaanu Madaxweyne Siilaanyo kula dhex tartami doonin xisbiga dhexdiisa.


 
Xigasho Wargeyska Geeska Afrika