Guddoomiyhii Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo Maanta Is-casishay

0
Wednesday May 06, 2015 - 16:41:10 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyhii Guddiga Madaxa-banaan ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo Maanta Is-casishay

    Gaalkacyo(Afka)Caasho Geelle Diiriye oo ahayd guddoomiyihii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegsta Dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kaga dhawaaqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inay iska casishay xilka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaalkacyo(Afka)Caasho Geelle Diiriye oo ahayd guddoomiyihii guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegsta Dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kaga dhawaaqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug inay iska casishay xilka.


Shir jaraa’id oo Caasho Geelle ay warbaahinta u qabtay ayay ku akhrisay lix qodob oo ay u sababeysay inay xilka isaga casishay, kuwaasoo u qornaa sidan;

1.Waxaan Shaqsiyan Odorasay inaysan Sahlanayn Dhameystirka Dastuur loo wada dhan yahay xilliga kooban ee noo haray, iyadoo ay isi soo tarayaan xaalado siyaasadeed cakiran oo dalka ka jira, ku kala-fikir duwanaashaha fasiraadda qodobbada dastuurka qaarkood, u heelanaan la’aanta sarreynta Dastuur Qaran oo dhameytiran oo aan ka hor-imaaneyn dastuurada ay maamullada dalku gaarka u leeyihiin.

2.Inkastoo uusan Caad-ku-rogneyn inay Dalka ka jiraan Duruufo adag oo aan kala dhib yareyn, hadana waxaa cad inaan qorshe fiican horay loogu sameyn Dastuurka Qaran iyo dhameytirskiisa oo aan mudnaan fiican helin.

3.Xubnaha guddiga madaxa-bannaan laftooda ayaa gaabiska iyo kala faa,ideysi la’aantooda qeyb ka ah; maadama inteenna badan aanan dalka gudihiisa deegaan ku laheyn, waanan ku kala duwannahay aragti suuro-galnimada ku shaqeynta iyo ku milmidda duruufaha adag ee dalka ka jira, dhexgalka bulshada ka faa’ideysashada iyo soo dhaweynta u heelanaanta xirfadaha kala duwan leh iyo isticmaalka aqoonta iyo fursadaha laga heli karo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si loo dadajiyo geeddi-socodka dastuurka taasoo keentay inaan waqti u garbo-duubnaano fursado aan muuqan goorta ay imaanayaan.

4.Guddiga madaxa-bannaan ee dib u eegista iyo hirgalinta Dastuurka KMG ee sida magaca uu tilmaamayo aan keligeen go’aan ka qaadan karin billowga iyo dhameystirka Dastuurka oo ay ku wehliyaan hay’ado kale oo dastuuri ah oo aan qorsheynta iyo dhameystirka shaqada hormuud ka ah, ha yeeshee marka gaabis-yimaado cida kaliya ee farta lagu fiiqayo fashilkii ka yimaadana qaadanaysawaa guddigeenna oo loo igmaday inay dib u eegaan dastuurka aniguna aan guddoomiyaha u ahaa.

5.Dhaqaalihii uu u baahnaa in lagu dhameystiro dastuurka oo af ahaan ay hadal-hayntiisu badan tahay, balse ficil ahaan aan la suuro-gelin.

6.Waxaa jira daneeyayaal badan oo aan isla socon; Qorshayaal kala duwanna kal leh dib u eegista dastuurka, kuwaasoo laftigoodu caqabad hor leh ku noqon kara in lagu guuleysto Dastuur dhameytiran oo hishiis lagu yahay oo dalkan loo helo.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka guddoomiyahan is-casishay ayaa imaanaya xilli dhawaan magaalada Garoowe lagu saxiixay heshiis ay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira qaarkood.



Contact@afkahsacabka.com