Wasiir Cadami Oo Soo Jeediyay In Lagu Wada Qanco Go'aanka Ka Soo Baxa Golaha Guurtida

0
Thursday May 07, 2015 - 12:43:40 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cadami Oo Soo Jeediyay In Lagu Wada Qanco Go'aanka Ka Soo Baxa Golaha Guurtida

    Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo, arinta xaasisiga ah ee ku saabsan muddo kordhinta Xukuumadda, Guddida Golaha Guurtida ee loo xilsaaray iyo waxa uu ka rajaynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalka marayo, arinta xaasisiga ah ee ku saabsan muddo kordhinta Xukuumadda, Guddida Golaha Guurtida ee loo xilsaaray iyo waxa uu ka rajaynayo.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalkii dhawaan ku dhexmaray Magaalada Taleex laba Beelood oo walaal ah, waxaanu sheegay inay hub ka dhigis iyo xabad joojin sameeyeen.

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa sidoo kale fariin u diray Madaxda Somaliya, waxaanu sheegay inay dantooda ka taliyaan oo aanay ku mashquulin Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Dagaal Wiil ayaa ku dhinta ee kuma dhasho Wiil, waxaana aad uga xumahay, dagaalkii labada Beelood ku dhexmaray Taleex, waxa uu ahaa dagaal aad u xun, laakiin markii uu dagaalku dhacay waxa gurmaday oo dhexgalay Ciidamada Qaranka Somaliland oo aan aad ugu amaanayaa, iyaga oo waajibkoodii gutay, waxa kale oo aan ku amaanaya oo markiiba is xilqaamay oo goobta dagaalka tagay iyada oo xabadu dhacayso Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Madax dhaqameed uu hogaaminayo,inkasta oo Labadii Beelood ay imika aan la isku keenin, hadda dhex dhexaadin ayaa la wadaa, oo hub ka dhis iyo xabad joojin ayaa la sameeyey, oo xittaa mar walba Taliska guud ee CIidanka Qaranku wey la xidhiidhaan, weyna ka warhayaan, waxaana jirta in markii ay qaar ka mid ah Odayaasha iyo Madax-dhaqameedku labada Beeloodba u tageen inay si fiican u sooryeeyeen, si fiicana u soo dhaweeyeen, waxaana imika haboon in laga fikiro sidii halkaas looga sii gudbi lahaa heshiiska Labadan Beelood, haddii loo xilsaarayo Guurtida ama Madax Dhaqameed reer Somaliland”.

 

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko xaalada Siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo muddo Guddida loo xilsaaray ka soo talabixinta muddo kordhinta ayaa ku jawaabay "Saddexda Xisbi Saddex dawladood kamay kala iman, waa Saddex Xisbi oo ka wada dhisan Somaliland, imikana xaalad Siyaasiya ayaa dalka ka taagan, Beesha Caalamkuna indhaha ayey inagu haysaa, oo Kamarad ayey inala dul taagan yihiin, sida aynu wax nidhaahno ayey eegayaan, ee Saddexda Xisbi, Muxaafid iyo Mucaarid, Xukuumad iyo Shacaba, waxa aan soo jeedin lahaa in lagu wada qanco go’aanka Guddida Guurtida ee loo xilsaaray arinta muddo kordhinta, iyada oo Guddidani waajibkeeda si fiican u gudanaysa oo dhinacyo badan wax ka eegaysa, lana kulmaysa Saddexda Xisbi Qaranba, isla markaana aad uga fiirsanaysa natiijada go’aanka, waxaana ka rajaynayaa Guddidani inay soo saaran go’aan lagu wada qanco, oo Maslaxda dalka iyo dadkaba dan u ah, waxaana hubaa inay Guddidani waajibkooda si fiican u gudanayaan, oo xilkaas la saaray ee lagu yaqaanay Guurtida si fiican uga soo bixi doonaan”.

Wasiirka Gaashandhiga ayaa mar uu ka hadlaayey Madaxda Somaliya ayaa yidhi "Somaliland waa dal ka horumaray Dimuqraadiyada iyo dhinac walba, waa dal meel fog hiigsanaya, kana soo kabtay dhibaatooyinkii badnaa ee Dawladdii Somaliya ee Siyaad Barre gaadhsiisay, Madaxda Somaliyana iyaga ayaa isku mashquulsan, oo iska dhammaan la’a, oo dantooda iyo danta Shacabkooda garan la’a, inay Somaliland oo aanay hiigsan karin ku mashquulan maaha, waxaana hubaal ah in Maanta Ciidanka Somaliland dhan walba ka dhisan yihiin, Cadawgiisana diyaar u yahay, ee Muxaafid iyo Mucaaradba waa in danta Qaranka loo midooba, meelna looga soo wada jeestaa”.



Contact@afkashacabka.com