Wasiirka Deegaanka Oo Ka Hadashay Khasaaraha Deegaanka ay ku hayso Dhuxushu

0
Thursday May 07, 2015 - 12:51:41 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Deegaanka Oo Ka Hadashay Khasaaraha Deegaanka ay ku hayso Dhuxushu

    Wasiirka Horumarinta Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in ay dhuxushu ay khasaare laxaad leh ku hayso deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Horumarinta Deegaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay in ay dhuxushu ay khasaare laxaad leh ku hayso deegaanka.

Waxa ay tilmaantay in ay qorshaynayaan sidii wax looga qaban lahaa khasaaraha ay deegaanka ku hayso dhuxushu, waxaanay tidhi"Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyigu heer kala duwan ayay soo martay, laakiin maanta waa mid u soo jeeda wixii loo igmaday oo ah ilaalinta deegaanka iyo horumarinta reer miyiga. wax badan ayaana iska bedelay intii xukuumadani gacanta ku haysay siiba intii aan imid anigu, waxaanan isku tacalujiyay in aanu ogaano waxa qabyadda ah iyo waxa u hirgalay.

Markaa wixii qabyadda ahaa ayaan isku tacalujinay in aan wax ka qabano, taasi oo ay ugu horayso in xaalufkan soconaya ee dhirta la gubayo sidii loo joojin lahaa. Waxaa se taala wixii lagu bedelayay oo anaga oo keliya maahee, hoos imanaysa dhawr wasaaradood oo aanu isku xidhanahay.

 

Taasi ayaanan aad u dar-dargelinay sidii aanu wasaaradaha wada shaqayntu naga dhaxayso mid waliba halkii ay kaga haboonayd ayaan dardar gelinay, waxaananu xoog saarnay, wixii lagu bedeli lahaa dhuxusha. Waxaananu ku wargelinay ganacsatadda keena wixii lagu bedeli lahaa dhirtan la gubayo.

Waxaanu ka hawlgalnay xukuumad ahaan in wixii lagu bedelayo dhuxusha ee tamar ah cashuurta laga daayo, taana waan ku guulaysanay. waxaanay taasi ku tusaysaa in ay naga go’an tahay ka xukuumad ahaan in is-bedelkaasi uu dhaco.

Waxa kale oo ay wasiirku sheegtay in ay marar badan bulshadda u soo bandhigeen qiimaha deegaanka iyo khayraadka dabiicigu leeyahay. "Waxa kale oo aanu samaynay in aanu xooga saarno, oo aanu gudbino qiimaha deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ahi leeyahay, haddii ay baaba’aan inay adag tahay sida looga soo kabtaa. Haddii se la isku dayo in la soo kabto, oo halkaas khasaaraheeda lagu joojiyo dhuxusha, oo wax midho dhala ay noqdaan”.



Contact@afkashacabka.com