Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay In Boqolaal Ka Tirsan Dagaalyahanada Isis Inay Ka Soo Degeen Dekedaha Berbera Iyo Boosaaso.

0
Thursday May 07, 2015 - 13:01:31 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Maraykanka Oo Sheegtay In Boqolaal Ka Tirsan Dagaalyahanada Isis Inay Ka Soo Degeen Dekedaha Berbera Iyo Boosaaso.

    Dawladda Maraykanka, ayaa shaacisay in kooxo argagixiso iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-qaacida oo ka qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen ay gaadheen Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka, ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladda Maraykanka, ayaa shaacisay in kooxo argagixiso iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-qaacida oo ka qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen ay gaadheen Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka, ayaa faafiyey shalay in dagaalyahanno ka tirsan Al-qaaciida oo tiradoodu gaadhayso ilaa 600 (lix boqol) oo xubnood ay ka degeen dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland. Ma jiro war si rasmi ah looga soo saaray arrintan, balse sida saxaafadda Maraykanka, gaar ahaan hay'adda warbaahinta ee la yidhaa Washington Free Beacon ka soo xigteen masuuliyiin ka tirsan dawladda Washington, dagaalyahaannada Al-qaacida ee u gudbay dhinaca Somaliland iyo Puntland, waxa ku jira xubno maxaabiis ahaa oo tiradoodu dhan tahay 300 (saddex boqol), kuwaasoo lagu furtay hawlgal Al-qaacida ku qaaday xabsi ku yaal dalka Yemen, 2 April 2015, iyadoo maxaabiistaasna ka mid ahaayeen xubno halistoodu sarrayso oo dawladda Yemen hore u xidhay.



Xabsiga laga sii daayey dagaalyahannada Al-qaacida, ayaa ku yaal magaalada dekedda ah ee Mukalla oo ku taal koonfurta dalka Yemen, halkaasoo ah goobaha ugu badan ee ay qaxootiga Yemen uga gudbaan xeebaha Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, iyadoo sida xogaha soo baxay tibaaxeen in dekedaasi tahay meesha ay mareen xubnaha Al-qaacida ee u gudbay xeebaha dalalka Geeska Afrika. Sirdoonka iyo ciidammada mukhaabaraadka Marayanka, ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay qiimayn ugu samayn lahaayeen qulqulka dagaalyahannada Al-qaacida kaga baxayaan waddanka Yemen, kuwaasoo ka faa’iidaystay, kuna dhex dhuuntay dadka qaxootiga ah ee ka qaxay dagaallada ka socda dalkaas. Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka Maraykanka iyo Waaxda Arrimaha Dibadda (State Department) oo wax laga weydiiyey inay xaqiiyaan dagaalyahannada Al-qaaciida ee u gudbay Somaliland iyo Puntland, ayaa ka gaabsaday inay arrintaas ka hadlaan. Haseyeeshee, sida Wargeyska Jamhuuriya ka soo xigtay saxaafadda Maraykanka, hay’adaha ammaanka ayaa ogaaday in ilaa lix boqol oo Al-qaacida ka tirsan ay u gudbeen xeebaha Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto, kuwaasoo qorshahoodu yahay sidii ay u carqaladayn lahaayeen xaaladaha ammaan ee ka jira mandaqadda Geeska Afrika. Waxa kaloo xogahaasi iftiimiyeen in dawladda Itoobiya ka war qabto qulqulka kooxaha argagixisada ah ee ka gudbay dhinaca Yemen, waxayna Itoobiya arrintaas ku wargelisay dawladda Soomaaliya, balse lama oga in sidoo kale hawshaas lagala hadlay Somaliland, maadaama qaxooti gaadhaya ilaa kun oo qof ay soo gaadheen Dekedda Berbera ee dalka Somaliland iyo Boosaaso oo ah Puntland, lagana cabsi qabo in dagaalyahannada Al-qaacida qayb ka yihiin qaxootigaas. Sarkaal sare oo ka tirsanaa CIA-da Maraykanka oo magaciisa la yidhaa Bruce Riedel, ayaa hore u sheegay in Al-qaaciidada dhulka Carabtu, gaar ahaan kuwa Yemen joogaa yihiin xoogag halis ah oo si guud u khalkhalin kara ammaanka gobolka oo dhan. "Guur-guuritaankan iyo aag-beddelashada Al-qaacidada Carabta (Al-Qaeda in Arabian Peninsula) waxay muujinaysaa inay yihiin xoog heer gobol ah oo u abuuran inay sameeyaan xasillooni-darro, awoodna u leh inay ka gudbaan Gacanka Cadan si ay taageero iyo gacan u siiyaan xulafadooda qaaradda Afrika,” ayuu yidhi sarkaalka ka tirsanaa CIA-da Maraykanka.

Source: Jamhuuriya 




Contact@afkashacabka.com