Madaxweyne Siilaanyo Oo Guryahooda Ku Booqday Odayaal Magac Ku Leh Somaliland

0
Thursday May 07, 2015 - 13:01:13 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Guryahooda Ku Booqday Odayaal Magac Ku Leh Somaliland

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guryahooda ku booqday saddex oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii dambe ee maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guryahooda ku booqday saddex oday oo qaranka magac iyo taariikh weyn ku leh oo xannuunsanaya gelinkii dambe ee maanta.


Siilaanyo oo booqday odayaal

Odayaasha Madaxweynuhu ku booqday guryahooda magaalada Hargeysa waxay kala yihiin; Maxamed Cabdi Arabay, Maxamuud Dhool-dahable iyo Maxamed Cabdi Iskeerse oo saddexdooduba u jiifa xannuun. Madaxweyne Siilaanyo waxa uu odayaashaas Ilaahay uga baryey caafimaad iyo inuu cudurka haya ka dulqaado.

Siilaanyo oo booqday oda2

Warkan oo aanu ka soo xiganay Jamhuuriya ayaa sheegaya in Booqashada Madaxweynaha oo laga qariyey saxaafadda waxa ku wehelinayey marwada 1aad marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde (Aamina-weris), Wasiirka Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye iyo xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), kuwaas oo iyaguna dhammaantood Ilaahay uga baryey odayaasha sharafta leh in xannuunka ka kor qaado, caafimaadna ugu beddelo.

Siilaanyo oo booqday oda3

Odayaasha xannuunsanaya ee Madaxweynuhu guryahooda ku booqday waxa ay ka mid yihiin xubnaha ugu miisaanka culus ee mus-dambeedka u ah xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE.


Contact@afkashacabka.com