Kooxo hubeysan ayaa maanta Xaafadda Nasteexo ee dagmada Wadajir ku dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga dagmadaasi C/fitaax Barre Guure.

0
Thursday May 07, 2015 - 13:01:41 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan ayaa maanta Xaafadda Nasteexo ee dagmada Wadajir ku dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga dagmadaasi C/fitaax Barre Guure.

    Kooxo hubeysan ayaa maanta Xaafadda Nasteexo ee dagmada Wadajir ku dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga dagmadaasi C/fitaax Barre Guure.Guddoomiye ku xigeenka ayaa Saakay xiligii la dilayay waxa uu ka soo baxay gurigiisa, waxana isagoo maraya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa maanta Xaafadda Nasteexo ee dagmada Wadajir ku dilay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga dagmadaasi C/fitaax Barre Guure.Guddoomiye ku xigeenka ayaa Saakay xiligii la dilayay waxa uu ka soo baxay gurigiisa, waxana isagoo maraya waddo ku dhaw isla xaafadda uu daggan yahay lagu hor gooyay gaari ay wateen rag hubeysan kuwaasoo isla markiiba rasaas ku furay gaarigii gudoomiye ku xigeenka taasoo keentay in uu halkaasi ku geeriyoodo isaga iyo mid ka mid ah ilaaladiisii


Dhinaca kale qarax miino ayaa isla maanta lagula eegtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka muqdisho kolonyo gaadiida oo ka tirsan  kuwa AMISOM oo wadadaasi marayay

Qaraxa ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mid ah gawaaradii ay wateen ciidamada AMISOM,waxana goobta durbaba isku gadaamay ciidmada AMISOM oo iyagu xiray wadada uu qaraxu ka dhacay ee u dhaxeysa EX-Kontorol ilaa deegaanka Ceelasha biyaha,

Gaadiidka BL-ka ee isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye ayaa isticmaalayay Wadooyin qarda-jeex ah mudadii ay howlgalka ciidamadu ka
wadeen goobta qaraxu ka dhacay. 


Contact@afkashacabka.com