40-Qof Oo Ku Dhintay Magaalada Cadan Kadib Markii Doon Siday Qaxoonti Uu Ku Dhacay Gantaal Duqaymaha Cirka Ah.

0
Thursday May 07, 2015 - 13:01:27 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    40-Qof Oo Ku Dhintay Magaalada Cadan Kadib Markii Doon Siday Qaxoonti Uu Ku Dhacay Gantaal Duqaymaha Cirka Ah.

    Ugu yaraan 120 ruux oo ay ku jiraan 40 ruux oo saarnaa doon qaxooti siday ayaa ku dhimatay duqeyn iyo dagaal xoog leh oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Cadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 120 ruux oo ay ku jiraan 40 ruux oo saarnaa doon qaxooti siday ayaa ku dhimatay duqeyn iyo dagaal xoog leh oo ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Cadan.



Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in xoogaga Xuutiyiinta ay duqeeyeen dekeda Cadan, waxaana duqeyntaas ku dhintey dad gaarayay afartan ruux oo doonayay in ay ka cararaan dagaalada sii xoogeystay ee magaalada Cadan ka socda

Dagaalada u dambeeyay ee ka dhacayay magaalada Sanca ayaa waxaa sidoo kale ku dhimatay 40 ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa ciidamada daacada u ah Madaxweyne Al Hadi, halka ay 30 ka tirsan xoogaga Xuutiyintana la dilay.Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay diyaaradaha huwanta ka geysteen magaalada Cadan gaar ahaan deegaanada ay ku xoogan yihiin Xuutiyiinta ayaa sababay in ay dib u gurtaan.

Ciidamada huwanta ayaa 30 jeer duqeyn ka geystay Waqooyiga Yemen maalin kadib markii gantaalo laga ridey gudaha dalka Yemen ay ku dhaceen magaalada Najran eek u taal xadka kala qeybiya Yemen iyo Sacudi Carabiya.

Wasiirka arrimaha dibada Yemen Riyadh Yaseen ayaa ku eedeeyay mucaaradka Xuutiyiinta inay gumaad ka geysteen deegaanada ay qabsadeen, waxana uu ku baaqay in beesha caalamka ay dacwad ku soo oogto.

Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka John Kerry ayaa la filayay in uu gaaro gelinka dambe ee Arbacada magaalada Riyadh waxana la filayaa in uu wadahadalo ku saabsan arrimaha Yemen la yeesho madaxda Sacudiyiinta.

Contact@afkashacabka.com