Shabaab Oo Shaacisay Inay Dileen Sarkaalkii Hagi Jirey Diyaaradaha Maraykanka ee Ugaadhsiga Ku Haya Hoggaamiyayaashooda 0

0
Saturday May 09, 2015 - 00:50:11 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab Oo Shaacisay Inay Dileen Sarkaalkii Hagi Jirey Diyaaradaha Maraykanka ee Ugaadhsiga Ku Haya Hoggaamiyayaashooda 0

    Muqdisho(AFKA)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa shaaciyey shaqada uu hayey sarkaal katirsanaa Nabad-sugidda somalia oo ay xalay ku dileen Xaafadda Tawfiiq ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa shaaciyey shaqada uu hayey sarkaal katirsanaa Nabad-sugidda somalia oo ay xalay ku dileen Xaafadda Tawfiiq ee Magaalada Muqdisho.

Sarkaal oo iyaga hore xubin uga ahaan jirey, ayaa Magaciisu ahaa Dhukane, waxana ay kooxdu sheegtay inuu ahaa sirdoon sare oo Maraykaka u shaqeeya, kaas hagi jirey Diyaaradaha Drones-ka Maraykanka ee Duqaynta ku haya Saraakiisha sare ee Ururka Al-Shabaab.

Warbaahinta afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/Xakiim ay khaarajiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howlgalka Al-Shabaab ee lagu dilay C/Xakiim ayaa la sheegayaa inay fuliyeen ciidamo gaar ah, kuwaasi oo ku guuleystay howlgalkooda sida ay baahiyeen shabakadaha codka Shabaab ku hadla.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in C/Xakiim uu horE u ahaa madaxii Garsoorka Islaamiga ah ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ku biiray sirdoonka Mareykanka.

Contact@afkashacabka.com