Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itobiya oo kulan ku yeshay Addis ababa

0
Saturday May 09, 2015 - 08:17:42 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland iyo Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itobiya oo kulan ku yeshay Addis ababa

    Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis, oo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis, oo....

 uu weheliyo, Wakiilka Somalilad ee Addis Ababa, Mudane Ayanle Salad Deria, ayaa maanta xafiiskiisa kulan balaadhan kula yeeshay, Wasiirka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Lacagta ee Itobiya, Mudane Ahmed Sufiyan, iyo Wasiir dawlahiisa, Mudane Ahmed Shide, kulankaas oo ahaa mid diiradda lagu saarayey arrimaha "Dhaqaalaha iyo Maalgashiga”.

image

Waxay labadda dhinac kaga wada hadleen mashruucii ” Horumarinta Berbera” iyo sida waxa ka dhiman loo dhamaystiri lahaa. Mudane Ahmed Sufiyan oo ka hadlayey mawqifka Itobiya ee ku aadan mashruuca berbera corridor ayaa yidhi Itobiya waxa ka go’an in ay si balaadhan u isticmaasho dekadda berbera, sidoo kale wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee somaliland, Mudane Maxamed Bixi Yonis, ayaa isaguna dhankiisa ku dhiirigeliyey dawladda Itobiya,in ay Somaliland diyaar u tahay in Itobiya si balaadhan u isticmaasho dekadda Berbera, waxa kale oo uu Wasiirku balan qaaday in Somaliland dhankeda diyaar u tahay inay dardar geliso heshiisyadii labada dal kale saxeexdeen waxii kaga aadan. sidoo kale wasiir dawlaha horumarinta dhaqaalaha iyo lacagta Itobiya, Mudane Axmed Shide, ayaa isaguna kulankaas ka sheegay inay dawladda Itobiya dirtay laba Kooxood oo kale ahaa, koox ka socota Wakaaladda Tamarta iyo Laydhka Itobiya, si ay u soo qiimeeyaan "Laydhka ku baxaya magaalooyinka Waawayn ee Somaliland”.

image

Kuwaas oo soo dhamaystiray daraasadaa, sidoo kale waxuu sheegay Wasiir dawlahu inay direen Koox kale oo iyaduna soo qiimahaysa "Jidka isku Xidha Itobiya iyo Somaliland, Ilaa Tog-Wajale iyo Dekadda Berbera”. Gudahaan kulankan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ahi la yeeshay wasiirka iyo Wasiir dawlaha, waxuu ku soo gabo gaboobay guul iyo is af-garad. waxaana dib loogu balamay in kulanka "wasiiradda Somaliland iyo Itobiya” ee ka dhici doona Addis Ababa lagaga hadlo waxyaabaha labadaa war-bixinood koobayaan.

Allah Mahad Leh 

Danjire Ayanle Salad Deria 

Addis Ababa Ethiopia