Saddexda Xisbi Qaran oo Go'aan wada jir ah ka soo Saaray Muddo kordhinta Xukuumadda una Gudbiyey Guddomiyaha Guurtida

0
Saturday May 09, 2015 - 11:09:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddexda Xisbi Qaran oo Go'aan wada jir ah ka soo Saaray Muddo kordhinta Xukuumadda una Gudbiyey Guddomiyaha Guurtida

    Madaxda saddexda xisbi qaran ee Somaliland, KULMIYE, UCID Iyo WADDANI Iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isla qaatay in ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda saddexda xisbi qaran ee Somaliland, KULMIYE, UCID Iyo WADDANI Iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isla qaatay in ...

Muddo xileedka Xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo iyo Cabdiraxmaan Cabdllaahi Ismaciil (Saylici) lagu daro muddo sannad iyo badh ah, taas oo lix bilood ay dheer tahay wakhtigii Koomiishanku Iclaamiyeen inay doorashooyinku qabsoomayaan.

Shirar xidhiidh ah oo Saddexda Xisbi Khamiistii ku yeesheen Huteelka Ambasador, ayay habeenimadii  ila Maalintaas waxay heshiis ku gadheen in Muddo xileedka Xukuumadda loogu darayo laga dhigo sannad iyo Lix bilood, taasi oo noqonaysa 18 bilood muddo kordhinta Xukuumadda loo samaynayaa.

Subaxnimadii Shalay oo Jimce ahayd ayay kulan kale yeesheen Guddoomiyaasha Saddexda Xisbi oo dhinac ah iyo Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo dhinac ah, kulan kaas waxay  hoggaamiyaasha Axsaabtu ku wargaliyeen inay heshiis dhamaystiran ka gaadheen doodi Muddo kordhinta Xukuumadda Guurtidana ay ka codsanayaan inay u tixgaliso heshiiskooda  oo wakhtigaas sannad iyo badhka ah ay kordhiyaan, maadaama oo khilaafkii meesha ka baxay.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Md. Cabdriaxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa isagu kulankaas codsi ku dalbaday in Saddexda Guddoomiye Maanta oo Sabti ah ay warqadda heshiiska oo saxeexan Guddoonsiiyaan Guddidii Guurtidu u saartay muddo Kordhinta isagoo Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan codsigaas Guddoomiyaha WADDANI kaga jawaabay hadalo kaftan iyo duur xul ah, balse uu ka ogolaaday, waxaana la filayaa inay Saddexda Xisbi oo isu dhami ay maanta arkaan Guddida ay Guurtidu u saartay qiimaynta wakhti xileedka Xukuumadda.