Daawo: Xafiis Maxkamadeed Cusub oo laga Furay Degmada Qorulugud iyo Garsoore Cusub oo loo So magacaabay

0
Saturday May 09, 2015 - 15:03:59 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xafiis Maxkamadeed Cusub oo laga Furay Degmada Qorulugud iyo Garsoore Cusub oo loo So magacaabay

    Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Husein Aw Diiriye iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka kooban Garsoorayasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Togdheer ayaa Xafiis Cusub ka furay Degmada Qorlugud,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Husein Aw Diiriye iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka kooban Garsoorayasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Gobolka Togdheer ayaa Xafiis Cusub ka furay Degmada Qorlugud,
 Xafiiskaasi oo loo Magacaabay Garsoore Maxmed Xirsi Cabdille Kalawsade ayaa Noqon Doona Xafiis Deegaanadaasi u qabta Adeegyadii Garsoorka ee ay
u iman Jireen Magaalada Burco, waxana Xafiiskaasi oo ay yaaleen qalabkiisi isla markaasna ay shaqaalihiisi Diyaariyeen Maamulka Degaankaasi lagu wareejiyey Garsoorahan Cusub.

Furitankii Xafiiskaasi Garsoorka ee Degmada Qorlugud Waxa ka hadlay Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Husein Aw Diriye, Garsoore Cali Sidiiq Faarax, Gudomiyaha Deg Qorulugud Maxamed Cumar Faarax Jar ku naban iyo Garsoore Maxamed Xirsi Cabdille Kalawsade.

Weftigan ayaa sidoo kale Gaadhay Deegaanka Ballicalanle iyo degaano kale oo hoos yimaada Qorlugud iyagoo Odayaasha iyo
Bulshada Deganadaasi ku wacyigeliyey inay la shaqeeyan Maxkamadda Cusub ee loo furay oo aykaga raysan doonaan in
Bulshada Qaarkeed Tegitaanka Burco ay u tagayaan Dacwad kaga samri jireen ama falal xun xun kaga jawaab celin jireen
Dulmi iyo khaladaad ay cid kale ka tirsanayeen, waxana Maxkamadaasi Cusub si weyn u soo Dhoweeyey Dadkii Deganadaasi
iyagoo Ballanqaaday inay la shaqayn doonaan, ugana mahadceliyey Guddomiyaha Maxkamadda Racfaanka Maamul Daadejinta
uu sameeyey.

Contact@afkashacabka.com