DAAWO Dowlada Itobiya Oo Markii U Horaysay Ka Dhawaajisay Inay Danteedu Ku Jirto Midnimada Somaliya Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Go,Aan Kan Ku Dhawaaqay

0
Saturday May 09, 2015 - 18:00:35 in
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO Dowlada Itobiya Oo Markii U Horaysay Ka Dhawaajisay Inay Danteedu Ku Jirto Midnimada Somaliya Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Go,Aan Kan Ku Dhawaaqay

    Dowlada Itobiya Oo Markii U Horaysay Ka Dhawaajisay Inay Danteedu Ku Jirto Midnimada Somaliya Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Go,Aan Kan Ku Dhawaaqay "Waa inaynu nidhaahnaa Soomaaliya ha noolaato oo ha-israacdo, waayo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Itobiya Oo Markii U Horaysay Ka Dhawaajisay Inay Danteedu Ku Jirto Midnimada Somaliya Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Oo Go,Aan Kan Ku Dhawaaqay "Waa inaynu nidhaahnaa Soomaaliya ha noolaato oo ha-israacdo, waayo? Haddaannu nahay dalalka Soomaaliya la jaarka ah ee Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa kale-ba Midnimada Soomaaliya waa noo faa’iido, horumarka Soomaaliya waa horumarkayaga…” Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Kismaayo(Aftahannews):- Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in Midnimada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya faa’iido ugu jirto dalalka Jaarka la ah ee ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo kuwa kale ee gobolka geeska Afrika-ba.
Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom, ayaa mar uu Khamiistii khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad lagu caleemo-saaray Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, waxa uu ku sheegay in Midnimada Soomaaliya dan u tahay caalamka, dalalka jaarka iyo kuwa geeska Afrika-ba. Waxaanu sheegay inay si taas loo gaadho muhiim tahay in la yidhaahdo Soomaaliya ha is-raacdo oo weliba dawladda Federaalka taas lagala shaqeeyo.
Hase-yeeshee, dadka Siyaasadda Geeska Afrika Oddorosa, ayaa tilmaama in dawladda Federaalka Itoobiya ay tahay dawladda koowaad ee ka dambaysay, isla markaana sida weyn ugu lugta lahayd burburka iyo baa’bbinta dawladdii Soomaaliya ee Millateriga ahayd iyo weliba sidoo kale, hana-qaadka dawlad kale oo lugeheeda ku taagan oo ay Soomaaliya yeelataba.

Dadka wax falanqeeya ee aragtiyahaas qaba, ayaa ku dooda inay caddaynta ay hayaan tahay in burburka Soomaaliya bilaabmay markii dawladda Itoobiya ay la gashay dagaalkii ugu adkaa ee 1974-kii illaa 1977-kii, marka taa laga yimaaddana ay bilawday Marti-gelinta iyo taageeridda Jabhado ku bilaabmay dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen SNM, SDF iyo qaar kaleba.

Sidoo kale, waxay ku eedeeyaan abuurka iyo taageeridda Jabhadihii ay hoggaaminayeen Qabqablayaasha dagaal ee Soomaaliya qaarkood. Waxa kale oo ay ku doodaan inay Maamullada dalkii Soomaaliya la isku odhan jiray ka dhismay mid walba si gaar ah u taageerto, kuwaasoo ay ka mid yihiin Somaliland oo ay xidhiidh dhaw la leedahay, Puntland oo ay sidoo kale xidhiidh dhaw leeyihiin, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo weliba dhaqdhaqaaqyo kale, iyadoo mid kasta si gaar ah Ciidammo ugu tabobbarta.

Waxay qabaan waxaas oo dhan marka la isu geeyo inay caddahay in dawladda Federaalka Itoobiya koow ka tahay burburkii hore iyo weliba hano-qaad la’aanta dawlad Soomaaliya oo dhan ka wada-talisa, kala qoqobka iyo collaysiinta Soomaaliya dalkii la isku odhan jiray. Hase-yeeshee, waxa la odhan karaa hadalkan Wasiirka arrimaha dibeddu wuxu u muudqaa mid aragtidaas beddelaya. Balse markaad weydiiso dadka Siyaasadda Geeska Gorfeeya, waxay kuu sheegayaan inuu yahay hadal diblamaasiyadeed, balse aanu ahayn mid xaqiiqada waafaqsan.

Contact@afkashacabka.com