Shirweynihii Labaad Ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland SECJA Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeyey Magaalda Berbera

0
Saturday May 09, 2015 - 18:18:53 in by Burco Office
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii Labaad Ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland SECJA Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeyey Magaalda Berbera

    Berbera(AFKA)_Waxa maanta si rasmi ah Usoo Gababagaysamay Shirki Uga Socanayay Magalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil Ururka Saxafiyinta Ee Bariga iyo Bartamaha Somaliland ee SECJA Kaasi Oo Laga Tashanayay Xeer Hosaadka Ururku Yeelanayo Iyo Sidee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(AFKA)_Waxa maanta si rasmi ah Usoo Gababagaysamay Shirki Uga Socanayay Magalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil Ururka Saxafiyinta Ee Bariga iyo Bartamaha Somaliland ee SECJA Kaasi Oo Laga Tashanayay Xeer Hosaadka Ururku Yeelanayo Iyo Sideed Xubnood Oo Loo Dortay Hogaanka Fulinta ee Ururkaasi,


Shirwaynahani Ayaa Waxa Ka Danbaysay Marki Ay Isku Tageen Saxafiyin Tiro Badan oo Ku Kale Sugan Gobolada Bariga iyo Badhtamaha Somaliland Isla Marka Iska Kaashaday Fikirkooda Saliimka Ah Ka Dib Marki ay Ka Damqadeen Tacadiyada Tira Badan ee Loo Gaysto Wariyaasha Ka Hawl Gala Somaliland,

Shirkani Oo Ka Socday Hotelka Mansoor ee Magalada Berbera Ayaa Lagu Gorfaynayay Xeer Hosaad ka Ururkani Yeelan Doono Isla Markaana Lagu Doortay Guddi Fuleed Oo Hagi Doona Mudd

Sanada oo Kale Socday Gobolada Bariga iyo Badhtamaha Somaliland ,

Waxaana kaSoo qayb galay shirwaynahani ay yeesheen saxafiyiintani iskaga kala yimi gobolada dalka Qaar kamida Xildhibaanada Gialaha deegaanka degmada BerBera, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaradka e Ucid ee Gobolka Saaxil ,iyo Wariyaal Rugcadayaa Oo Kasoo Gicitimay Magalada Hargaysa,

 

Waxaana ugu horaynba Shirwaynahani Ka hadlay Axmed Siciid Maxamed kana warbixiyay Ujeedada Shirwaynaha isagoona ku dheeraaday Muhiimada ay shirwaynahani u qabteen iyo Sida Qimaha Badanayd ee Ugu Soo Gababaysmay Shirwayanaani Waxana Hadaladiisi Ka Mid ahaa Sida Tan”

"Manta waxa aanu galnay maalinti labaad ee shirwaynaheena waxana aan ku qada dhignay oo aan ku saxnay xerka rasmiga ee aanu ururkanu kukala wadayno waxana ilahay uga mahadnaqayna sida wanagsan ee ay nagu soo dhamaatay waxa kale oo aan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan doorana hogaan ka kooban kow iyo toban xubnood oo aanu ugaranay in muddo sanada ay hagaan ururkani waxana ilahay uga baryaynaa in xilkaasi ilahay idin fudeeyo urukeenana waa mid ka madax banana ururada saxafadeed ee hore uga jiray dalkani Somaliland” Ayuu Yadhi wariye Axmed Saciid

Geesta Kalana waxa Munasibadani Ka Hadashay Gudoomiyaha xisbiga Mucaradka ee Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Hoodo Axmed Yaasin iyoi Xildhibaan Iid Salebaan Oo Si Isku Mida Uga Hadlay Muhimada Saxafadu Dalka Uleeyihiin Hanbalyo iyo Bogaadina Udiray Ururka SECJA o ay ku Tilmaameen Inuu Yahay Ururuka Qudha ee Wax Badan Ka Badalaya Baahiyaha Ku Xeeran Wariyaasha Ka Hawl Galaba Bariga iyo Badhtamaha Somaliland Waxana Hadaladoodi Ka Mid ahaa Sida Tan”

Marka Hore waxa aan Hanbalyaynayaa Ururkan Cusub ee Saxafiyinta Bariga iyo Badhatamaha Somaliland SECJA Waan Soo Dhawaynaynaa Oo Waliba Si Gaara ayaan Usoo Dhawaynayaaa Anigu Waxa Weeyi Waxa aan Ugu Nuuxnuxsanayo Inaan Idin soo Dhaweeyo Waxa Weeyi Hadi iyo Jeed Badhtamaha iyo Bariga Somaliland Saxada oo Qudha mooyana wax Alaale iyo Waxkasta waxa ay Ku Soo Gaadhan Diiq Ku Wii Ugu Horayay ee Ku Bayaamiyay ayaaad Tahiin Waayo Waxaaan Ogsoonahay Inaad Waydeen Waxa aad Xaqa Ulahayeen Xafadu waa Shayga Qudha ee Calamka Ugu Qaalisan waxana aan Idin soo Jeedinayaa Inaad Ila Shadaan Dadnimadooda iyo Wanaagooda iyo Sida Ugu Wanagsan ee ay Ku Dhismayso Ururukoodu” ayay Tidhi Marwo Hoodo

 

" Saxafada waad Ogsoontahiin oo Marku Maxmed Rashiid Ka Dhintay Waxa Qabsaday Xuuro Markaa Saxafadiina waxa Ay Dabada Ka Galeen Madaxtooyada Waanu Soo Dhawaynaynaa Ururukan anaga oo ka Wakiila Bulshada Nasoo Dooratay Waxaanu Jacelnahay Inad Dhexdhaxadinamdina Ku Wadaan "Ayuu Yidhi Xildhibaan Iid Salebaan

Intaay Munasibadani Socatay waxa Iyaguna Ka Hadlay Saxafiyinta Rugcadaga ee Maxmed Cabdi Curud iyo Muuse Farax Jaambiir Oo Wariyaashi Kasoo Socsalay Magalada Hargaysa Waxanay Si Isku Mida Hadalo Dhiirigalin,Waano iyo Tlaba iskugu Jirta Ka Jeediyay Isla Markaana Soo Dhawayay Ururkani Secja Oo Ay Ku Tilmaameen Inuu Yahay Urur loo Bahna Waxana Hadaladoodi Ka Mid aha Sida Tan”

"Aad iyo Aaad ayaan Idinku Hanbalyaynayaa Waana Ku Faraxsanahay Runtii Kasoo Qayb Galkiina Dhumasho Igu Mahaa Waan Ku Faanaya waan ku Faraxsanahay Kalsoonibaana Idinkula Jooga Waxaana Soo Gabagabaynayaa Ilahay Haydin Garab Galo Cadalada,wanaaga iyo Daacada Ka Hormariya Danaha Gaarka ah " ayuu Yadhi Suxufi Maxmed Cabdi Curad

"Wariyasha Gobalada Bariga Ka Imid ee Safarka Dheer Soo Maray aad iyo aad ayaan idinkau mahadnaqayaa Muhimada ugu Wayn ee aan idinku imidna waxa weeyi inaan fariinta somaaliga idin gaadhsiyo Waxana aan idinkula dardaarmayaa inaad Haween Badana way Jogaane Inaad Kuraasta waxa Ka Siisaan”ayuu Yidhi Muuse Faarax Jambiir

Gabagabadina waxa shirkaasi soo afmeeray Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta SECJA Mudane Yaasin jaamac ku xigeenkiisa Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) iyo xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Gobolada Bariga Iyo Badhtamaha Somaliland Ee SECJA Mudane CabdiRaxmaan Cali Ducaale waxaanay dhaamaantood ka si iskuwada mida uga hadlay ujeedka rasmiga ah ee loo asaasay ururka SECJA iyo waliba Hiigsiga ay Hiigsanayaan Inuu gaadho Ururkani SECJA waxaanay Yidhaahdeen Sida tan.

"Waad ogtihiin maanta halka ay marayso Saxaafadii dalku waxaanay ku jirtaa xaalad ka duwan xaaladihii hore oo qofba gaarkiisa loo Fiirsanayo ujeedka kowaad ee aan u asaasnayna waxa weeye inaan maanta soo celino sumcadi iyo Himiladii ay lahayd saxaafadu waxaana asaasnay ururkan markaan aragnay baahiyo badan oo ka jira gobolada bariga Somaliland oo cidin aaanay ogayn sidoo kalena waxaan u asaasnay inuu ururkani horumariyo, ilaaliyo, kobciyo, daryeelo Mihnada Saxaafada Somaliland” ayay yidhaahdeen.

Isku Soo Wada Duubo Shirkani Ayaa Ku Soo Gababaysamay Jawi ay Ku Dheehnayeen Farxad Iyo Guul Waxanay Si Wada Jira Uga Warbixiyeen Deerankooda Farxadeed ee Ku Aadan Sida Qimaha Lahayd ee Shirkoodani Ku Soo Gabgaboobay Intaasi Ka Dibna Waxa Ay Hanbalyo Iyo Bogaadin Udireen Hogaanka Fulineed Ay Doorteen Waxanay Kula Dardaarmeen Inay Si Wanagsan Uga Soo Baxaan Shaqada Loo Igmaday Waxanay Ilahay Uga Baryeen In Ilahay Xilkaasi Ku Asturo Waxanay Gabi ahaanba Wariyaashii Shirkani Kasoo Qayb Galay ee Ay Unababaxeen Goboladii Ay Ka Soo Socdaleen .

 

 

Hoos Ka Akhri Gudida Fulinta ee Ururka Suxufiyinta SECJA

1) Axmed Saciid Maxmed (Berbera)

2) C/raxmaan Maxmed Cige(Berbera)

3) C/fataax Xasan Xuseen( Xareed) (Burco)

4) Barwaaqo Aadan Muxumed (Burco)

5) Cali Aadan Daahir (Ceerigaabo)

6) C/raxmaan Axmed Ilsar (Ceerigaabo)

7) Maxmed Cismaan Cabdi Nuur (Laascanood)

- SContact@afkashacabka.com