"Madaxtinimo maaha in Heshiiska lagaa Baxaa..." Muj Muse Bixi Cabdi

0
Sunday May 10, 2015 - 09:01:54 in by salman abdi
  • Visits: 1007
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxtinimo maaha in Heshiiska lagaa Baxaa..." Muj Muse Bixi Cabdi

    Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay fashilaadda ku timi kulan Saddexa Xisbi-qaran doonayeen ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka Hadlay fashilaadda ku timi kulan Saddexa Xisbi-qaran doonayeen ..

inay Guurtida Hordhigaan, kaas oo Salka ku Hayey Muddo-kordhin laga midaysan yahay oo loo Sameeyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiilladaba.

Muuse Biixi Cabdi oo Warbaahinta la Hadlay kadib kulan ay Isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe la qaateen Guddida Guurtidu Arrinta Muddo-kordhinta u xilsaareen, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Waddani uu ku badhi furay Ballan si wada jir ah loogu ballansanaa in lagu saxeexo muddo-kordhin ay saddexda Xisbi isku raaceen in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo loo sameeyo.

Ugu horrayn waxa uu Guddoomiye Muuse Ka Hadlay Iskudaygaas loo ballansanaa ee guuldarrada ku dhammaaday, kadib markii uu Xisbiga Waddani ka Baaqsaday Saxeexii Heshiiskaas,

"waxanu eegnay oo anu isweydiinay haddii aanu nahay saddexda Xisbi ee Tartamayey inaanu arrinta Guurtida Gacanta ku hayso ee Muddaynta Wakhtiga Doorashada aanu ra’yi midaysan isla helno oo aanu raadino Laba acisho oo dood dheer iyo arrimaha dhan walba laga eegay Go’aan baanu isla gaadhnay saddexdayadii xisbi, waxana aanu gaadhnay go’aan aanu soo jeedinayno Guurtida, Guurtiduna waa Hay’ad Distoori ah oo Awooddaas leh, anaguse Talo bixin baanu ku leenahay.” Ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiye Muuse Biixi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ka warramay marxaladihii uu soo maray iskudayga Maanta Guuldarraystay ee la doonayey in Heshiis Midaysan lagu gaadho, waxana uu carrabka ku dhuftay in Maanta Loo Ballansanaa in Guddoomiye Saleebaan Hortiisa lagu saxeexo, waxana uu yidhi,

"Shalay Jimcihii bay ahayd inaanu Saxeexno go’aankaas aanu kusoo heshiinay oo kooban, waxase ka cudurdaartay Guddoomiyaha Waddani, waxana uu yidhi Kaligaa kuu dhiibi maynee Noo shiri Guddidii Guurtida ee Hawshaas loo xilsaaray Guddoomiyaha Guurtiduna waa Naga Aqbalay saakana waanu ballanay, Laakiin GUddoomiyaha waddani saakana waa maqnaaday.”

Muuse Biixi Waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay badhi-furka uu Xisbiga Waddani ku sameeyey heshiiskaas loo ballansanaa, waxana uu xusay inay haboonayd inuu Guddoomiye Cirro dul u yeesho culaysyada kaga yimi xisbigiisa, waxana uu yidhi,

"Nasiib-darro waxa ah rag waaweyn oo Heshiiyey oo Madax ah oo saddexda Xisbi waxa joogay Guddoomiya-yaaashooda, Xoghayayaashooda. Wixii lagu heeshiyey ee Rag ku heshiiye Murna haka qadhaadhaatee waxay ahayd inay Baxdo, nin walbana culays wuu Haystay oo Xisbigiisii iyo Dadkii ka dambeeyeyba doodi waa ka Haysatay, Laakiin Madaxnimo ma aha wixii lagu heshiiyey in markaaba laga Baxaa.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu sheegay in Wakhtiga lagu heshiiyey in Doorashada la qabtaa ku sinayd Muddo Sanad iyo Shan Bilood ah kadib marka Wakhtiga Rasmiga ah ee Xukuumaddu Dhamaado, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,

"Ra’yigayagu waxa uu ahaa in la qabto Doorashada 15-Ka November 2016-ka, Maqnaanshaha waddanina waxa uu dhibayaa Inaan Saddexda Xisbi wada Dhamayn, Haddii ay Halkaas Dhibaato ka Timaadana ma wada Lihine Xisbigii Naga Baxay Baa Leh.”

Tallaabadan Guuldarraysatay, ayaa Keeni karta inay Guddida Guurtidu arrimahaas u xilsaartay Qaataan Go’aan iyaga gaar u ah oo ka Madax Bannaan Xisbiyada Qaranka, maadaama uu Xisbiga Waddani si cad uga fadhiistay Saxeexa Heshiiskaas oo uu markii hore ogolaa.




Contact@afkashacabka.com