Guddomiye Cirro oo ka Hadlay Go'aankii Saddexda Xisbi Qaran ee uu ka Baxay

0
Sunday May 10, 2015 - 09:15:31 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo ka Hadlay Go'aankii Saddexda Xisbi Qaran ee uu ka Baxay

    Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi (Cirro), ayaa dhankiisa ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaaahi (Cirro), ayaa dhankiisa ka Hadlay

Kulankii Maanta Saddexda Xisbi ugu Ballansanaayeen xarunta Golaha Guurtida, isla-markaana la filayey in xukuumadda loogu sameeyo muddo-kordhin lagu wada Qanacsan yahay, waxana uu deedafeeyey inaanu wax heshiis ahi dhicin.

Guddoomiyaha oo Maanta Xafiiskiisa Saxaafadda Kula Hadlay, ayaa faahfaahiyey Ujeedooyinka laga Lahaa Kulankaas qabsoomi waayey iyo Marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray, waxana uu sheegay fashilku dhacay iyadoo wax badani ay qabyo wali ahaayeen.

Mudane Cirro waxa uu sheegay shacabka u sheegay meesha uu ahaa Yoolkoodu iyo sida lagu gaadhi karayey heshiis rasmi ah, waxana uu sheegay in marwalba shuruudda Heshiis lagu gaadhi karaa ay ahayd in la helo Kalsoonida Guurtida, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya uu yidhi,

"waxa la socoteen inaan wali go’aan kasoo bixin Golaha Guurtida, Axsaabtuna waa Kulantay Saddexda Xisbi qaran, uga yaraanna Laba Fadhi bay Kulmeen oo waxbaanu isweydiinay, waxana aanu siweydiinay in talo qaran oo midaysan oo Saddexda Xisbi iyo Xukuumadduba ku midaysan yihiin la helo, waxa aanu ka hadlaynayna waxa uu ahaa wada Hadal iyo soojeedin, heshiiskuna waxa uu ku imanayey marka aanu helno Kalsoonida Golaha Guurtida, waxana aanu ku heshiinay in waxaa aanu wada Hadalnay in madaxweynaha, Axsaabta iyo Shirguddoonka Golaha Guurtidu iskaga yimaadaan oo iska arkaan taasina ma suurtogelin.”

Waxa uu ka Hadlay Kulamo ay si wada jir ah hore Hoggaanka saddexda Xisbi-qaran ula yeesheen Guddoomiyaha Guurtida iyo wixii ay kala kulmeen,

"Waxanu u tagnay Guddoomiyaha Guurtida Shalay si fiicanna wuu noosoo dhaweeyey saddexda Guddoomiye ayaanu ahayn, waxana aanu ka codsanay in wixii aanu isla garano inuu fulinayo iyo inkale, isagoo xaq u lehna waxa uu yidhi Talada waxa leh Gole, waxana aan geynayaa Golahaas.” Ayuu yidhi Mudane Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa uu sheegay in Markii ay qabsoomi waayeen Jaran-jarrooyinkii loo qoondeeyey in Heshiis wada jir ah lagu gaadhi karaa, ay Xisbi ahaan Go’aan ku gaadheen in aan Mawqifka Xisbiga Laga rarin Halkii uu hore u ahaa oo ahayd 26-ka June ee Sanadka 2016-ka, waxana uu yidhi,

"Ummaddu meel bay taagnayd Kawda June Bay Taagnayd, noomana ay muqan Kalsooni looga Guuro Halkii hore oo meel aan la garanayn loogu Guuraa, sidaas daraadeed ayey noogu muuqatay maadaama Kalsoonidii Guurtida aanaan Haynin, Tii Shirguddoonka, Madaxweynaha iyo Axsaabtuna aanay dhicin oo fadhigaasi uu baaqday in shacbigu meeshuu uu ku midaysnaa ee Caalamku ku midaysanaa uu Mawqifka Xisbigu Noqdo.” ayu yidhi 





Contact@afkashacabka.com