Wuxuu ahaa 97-sano jir. Sanadkii tagay ayaa lagu xukumay xabsi daa’in, taas oo sabab u ahayd ku lug lahaanshihiisa afgembigaasi militari.
Kenan Evren weligiis kamuu qoomamayn, doorkii uu ku lahaa afgembiga dadka badan ay ku dhinteen ee xilligan casriga ah ka dhacay Turkiga.
Xilligaasi oo xukunka ay xoog kula wareegen militeriga, 1980kii, waxaa ka dhashay, in 500 kun oo qof in la xidho, boqollaal lawaayay iyo boqollaal kale oo jidhdil u dhimatay.
Waxaan waqtigaasi la mamnuucay dhammaan axsaabta siyaasadda, waxaa la xidhay hogaaimayaashooda, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsanayay xisbigii dhaqdhaqaqa Kurdiyiinta ee Turkiga.

150509214522_kenan_evren_624x351_afp
Laakiin waxaa jiray qeybo ka mid ah shacabka Turkiga oo afgembiga soo dhaweeyay, iyagoo aaminsanaa in xasilloonida dalkaasi ay soo celineyso.
Balse waxaa necbaa qeybaha siyaasadda ee Turkiga. Afti dadweyne oo lagu badalaayay dastuurk oo ogolaanaayay in la dacweeyo hogaamiyayaasha nool ee afgembiga ka dambeeyay ayaa siweyn ay u taageereen shacabka, 2010kii.
Kenan Evren waxaa lagu yaqaanay cadaadinta, axsaabta bidixda u janjeera, Kurdiyiinta, wadaniyiinta, iyo Islaamiyiinta.
Marka loo eego xukunkiisii militariga, waxa uu ahaa qof muhiim ah illaa uu maamulkiisii dhammaaday, balse waxaa jiro dad badan oo aan ka murugoon doonin geeridiisa.