Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Shaaciyay Inay Ogoladeen Shan Casho Oo Xabad Joojin Ah

0
Monday May 11, 2015 - 07:42:48 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuutiyiinta Dalka Yemen Oo Shaaciyay Inay Ogoladeen Shan Casho Oo Xabad Joojin Ah

    Xuutiyiinta Yemen ayaa aqbalay xabad joojin shan maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada, kadib markii Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ay ku baaqeen xabad joojin, si gar gaar bani'aadanimo loo gaarsiiyo dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuutiyiinta Yemen ayaa aqbalay xabad joojin shan maalmood ah oo ka bilaabaneysa maalinta Talaadada, kadib markii Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo ay ku baaqeen xabad joojin, si gar gaar bani'aadanimo loo gaarsiiyo dalkaas.


War ka soo baxay Xuutiyiinta oo laga sii daayay telefishin ay leeyihiin, waxaana xabad joojinta ay si rasmi u dhaqan galeysaa 11 Pm saacada Yemen, waxaana wixii markaas ka dambeeya bilaabanaya howlo bani’aadanimo. Xulafada Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa horay u soo jeediyay xabad joojin marka hore ka timaada dhinaca Xuutiyiinta, si hey’adaha gar gaarka fursad ugu helaan in meelaha ay dadka ku go’doonsan yihiin loo gaarsiiyo gar gaar bani’aadanimo.

Goor sii horeysay maanta oo Axad ah ayaa diyaaradaha dagaalka ee Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo waxay duqeeyeen Guriga Madaxweynihii hore ee Yemen oo ku yaal Caasimada Sanca. Duqeynta ayaa aheyd mid aad u xooganeyd, waxaana la arkayay dad badan oo ka cararay halka diyaaraduhu ay beegsanayeen.

Danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Yemen Johannes van der Klaauw ayaa ku eedeeyay Xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo inay duqeynaynayaan goobaha shacabka ku go’doonsan yihiin. Duqeymaha ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday Isbitaal ku yaal Sacda iyo goobo ay ku badan yihiin dad rayid ah. Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 1,400 oo ruux ay ku dhinteen duqeymaha, tan iyo intii Sacuudiga bilaabay weerarada ka dhanka ah Xuutiyiinta.



Contac@afkashacabka.com