Wireless Ka Mobiles-ka Iyo Computers-ka Oo La Sheegay Inuu Samayn Caafimaad Ku Lee Yahay Dadka.

0
Thursday May 14, 2015 - 11:51:02 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wireless Ka Mobiles-ka Iyo Computers-ka Oo La Sheegay Inuu Samayn Caafimaad Ku Lee Yahay Dadka.

    Daraasad ay dhowaan sameeyeen kooxo saynisyahano ah ayaa lagu sheegay in radiation-ka kasoo baxa wireless ka mobile iyo Computers-ka ee internet ka inta badan usoo qabtaa uu samayn xun ku yeesho caafimaadka dadka,sidoo kalena uu xaalad nafsi ah ku ab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad ay dhowaan sameeyeen kooxo saynisyahano ah ayaa lagu sheegay in radiation-ka kasoo baxa wireless ka mobile iyo Computers-ka ee internet ka inta badan usoo qabtaa uu samayn xun ku yeesho caafimaadka dadka,sidoo kalena uu xaalad nafsi ah ku abuuro dadka.

Khubaradan oo ka socotay jaamacadda California ayaa sameeyey daraasadan ,iyaga oo sii tix raacaayey daraasado hore loogu sameeyey Wireless kan,taas oo sheegaysay in uu samayn badan ku lee yahay caafimaad darada dadka inta badan isticmaala haysata.

Waxaanay sheegeen inuu jidhka ku sameeyo xanuuno aanay unugyada jidhka ee difaaca loogu talo galay iska difaaci Karin,kuwaas oo marka dambe awood u siiya xanuuno kale oo badan inay si fudud jidhka usoo galaan ,si fududna u burburiyaan unugyada difaaca ee jidhka.

Kooxahan khubarada ah oo tijaabo ku sameeyey qoysas gaadhaaya tiro ahaan ilaa 50 qoys ayay sheegeen inay ahaayeen kuwo si maalinle ah u isticmaala Wireless ka ,kaasina uu keenay in uu dadkii ka tirsanaa qoysaskaasi uu xumaado habkoodii dheefshiid markii dib loo eegay,sidoo kalena dhiigoodu noqday mid mar walba kacsan,kuwaas oo noqday calaamado si deg deg ah looga arkay.

Waxaanay kula taliyeen inay habeenkii iska bakhtiiyaan meel ka fogna iska dhigaan,iyaga oo kala kulmaaya hurdada oo ku noqotay mid aan u dheeli tirnayn,sidoo kalena ay keeni karaan waxyaalo kale oo aan caafimaad ahaan fiicnayn,weliba iyada oo awooda la saaraayo caruurta yar yar oo laga ilaalinaayo.

Ilaa hadda lama ogaan saamaynta saxda ah ee ay dadka caadiyan ugu lee dahay ,iyada oo laga helo meel walba caalamka,gaar ahaana guryaha ,shaqooyinka iyo goobaha laysugu yimaado oo aad looga isticmaalo

Contact@afkashacabka.com