"Madaxweynaha Maanaan Kulmin Lakin Madaxtooyada Waanu Galnay, Wixi anu talo moodnayna Warqad baan ugu Qornay"Mujahid Xasan Guud

0
Monday April 07, 2014 - 10:46:19 in by Super Admin
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha Maanaan Kulmin Lakin Madaxtooyada Waanu Galnay, Wixi anu talo moodnayna Warqad baan ugu Qornay"Mujahid Xasan Guud

    Xubnaha Guddida Madasha Wada Tashiga Somaliland, ayaa markii ugu horeysay shalay gudaha u galay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxayna Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyeen warqadda ay sheegeen inay xambaarsan tahay tallooyin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Guddida Madasha Wada Tashiga Somaliland, ayaa markii ugu horeysay shalay gudaha u galay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxayna Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyeen warqadda ay sheegeen inay xambaarsan tahay tallooyin


Xubnaha Guddida Madasha Wada Tashiga Somaliland, ayaa markii ugu horeysay shalay gudaha u galay qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxayna Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyeen warqadda ay sheegeen inay xambaarsan tahay tallooyin ay doonayaan inay Madaxwaynaha iyo xukuumaddiisa ku kordhiyaan.


Guddoomiyaha Madasha Wada tashiga, Mujaahid Xasan Guure Jaamac iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa markii ay Madaxtooyada galeen ka soo baxay iyaga oo aan la kulmin isla-markaana aan isa soo salaamin Madaxwaynaha Somaliland.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo markii ay ka soo baxeen Madaxtooyada la hadlay saxaafadda, ayaa si kooban uga hadlay nuxurka iyo waxa ay xambaarsan tahay warqaddaasi oo sida muuqata lagu soo beegay xuska 33 guurada ka soo wareegtay aasaaska ururkii SNM, balse isaga oo ugu ka hadlaya xuska lixda April, ayaa yidhi "Maanta waa 6-da April (shalay), waa maalintii London lagu aasaasay ururkii la odhan jiray SNM, Maxamed Xaashi Cilmi, Xasan Ciise Jaamac, Cabdisalaan Yaasiin, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir-baa ka nool raggii joogay maalintii aasaaska SNM”


Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga ee Somaliland, Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa oo hadlaya warqadda ay Madaxwaynaha u gudbiyeen yidhi "Waad arkayseen oo Madaxtooyada ayaanu galnay, wixii SNM ay himiladeedu ahayd ee dagaalka SNM ahaa, halkuu imika marayo, dalka waxa ka jira ee annaga noo muuqday iyo wixii aanu talo moodnay ayaanu warqad ku qornay oo aanu Madaxwaynaha u dhiibnay, ilaa aanu warqaddaa jawaabteeda hellana faahfaahin intaa ka badan kama bixinayno”


Mujaahid Guure, ma hadalka uu saxaafadda siiyey kuma caddeyn inay Madaxwaynaha la kulmeen markii ay Madaxtooyada geeyeen warqaddooda "Haddii Alle yidhaahdana wixii aanu talo moodnay ayaanu Madaxwaynaha u gudbinay, jawaabtiina waanu ka sugeynaa” ayuu yidhi, Mujaahid Xasan Guure Jaamac.


Muhaahid Xasan Guure Jaamac oo la waydiiyey inay Madaxwaynaha la kulmeen markii ay Madaxtooyada warqadda geeyeen, ayaa sheegay in aanay Madaxwaynaha arag isla-markaana la kulmin, balse ay Madaxtooyada uun geeyeen warqadda "Warqadda Ayaanu Geynay Madaxtooyada, laakiin isaga (Madaxwaynaha) maanaan kulmin..” ayuu yidhi, Mujaahid Xasan Guure Jaamac.

 





Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com