Wacdarihii Xalay ee Naadiga Akhriska iyo qoraalka ee Halkaraan iyo Nuxurka Khudbadi Miisaaan leh oo ay ka jeediyeen Masuliyiin Culculusi.

0
Saturday February 08, 2014 - 18:47:31 in by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wacdarihii Xalay ee Naadiga Akhriska iyo qoraalka ee Halkaraan iyo Nuxurka Khudbadi Miisaaan leh oo ay ka jeediyeen Masuliyiin Culculusi.

    Naadiga Akhriska iyo qoraalka ee Halkaraan Ayaa Xalay u dabaaldegay Sannadguuradii 5aad ee ka soo wareegtay Aaasaaskii Naadiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Akhriska iyo qoraalka ee Halkaraan Ayaa Xalay u dabaaldegay Sannadguuradii 5aad ee ka soo wareegtay Aaasaaskii Naadiga,


Munasibadd Ballaadhan oo lagu Qabtay Hutel deero ee Magaalada Burco ayaa xalay loogu dabaaldegay sannadguuradoo 5aad ee Naadiga, waxana munasibaddaasi ahay mid kulmisay siyaasiin, madaxda degmada, maamulka gobolka iyo madaxda shirkadaha kala duwan ee gobolka, ururada Bulshada iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Waxaana munaasibadaasi ugu horayn hadal kasoo jeediyey gudoomiyaha naadiga akhriska iyo qoraalka ee halkaraan Ibraahim Cabdi Xirsi isagoona ka waramay heerarkii kala duwanaa ee uu nadigaasi soo maray, waxaana uu sheegay in naadiga la aasaasay sanadkii 2009kii , wuxuuna Guddomiyuhu u mahad naqay Shirkadii iyo Ururadiila shaqeeyay Naadiga.

Wuxuu Si gaar ah u ammaanay Xarunta Daabicista ee Burco Priting center iyo Sagaljet oo uu yidhi waxa ay ka qayb qaateen dhinacyo badan oo uu naadiga kaligii aanu qaban kareen.

Intaas kadib waxa munasibadda lagu soo Bandhigay Warbixin Kooban oo uu muuqaal oo uu diyaariyey Mustafe teacher oo ka mid ah Xubnaha Naadiga, halkaaso warbixintasi lagu so koobay guud ahaanba jidkii dheeraa ee uu nadigu soo jibaaxay 5tii sanno ee uu jiray.

Waxaa Kaloo Halkaasi Ka Hadlay Maamulaha Madaarka Burco C/risaaq Xaaji Siciid iyo Madax ka Socotay Hay’ada Wadaniga Soyvo C/risaaq salaad Cali Iyo Madaxda Jaamacadaha Golis, Adis Iyo masuliyiin kale, waxaana ay ka warameen sida uu naadiga uu ugu heelanyahay inuu dhalinyarada gobolka ku dhiirigeliyo wax akhriska iyo qoraalka ayagoona sheegay inay garab istaagi donaan naadiga halkaraan.

Maayirka Degmada Burco Maxamed muraad oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu had iyo jeer jecelyahay wax akhriska isla markaana uu naadigan halkaraan ka dhigto gacantiisa midig isagoona intaasi raaciyey inay ka dawlad hoose ahaan ku hawlanyihiin sidii ay magaalada burco uga hir galin lahyd himilada naadiga Halkaraan Oo ah Buu Yidhi Inay Maktabad Lagu Akhristo Bugaagta Laga furo Magaalada Dhexdeeda.

Musharaxa Jagada Madaweynanimo ee xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo Isna munaasibadaasi hadalo dardaaran iyo dhiiri_galin isugujira ka soo jeediyey ayaa si mug leh uga warmay faaidada akhriska iyo qoraalka waxaanu ku Nuux nuuxsaday Faa,iidada uu akhrisku leeyahay waxaana uu Sheegay Qofka akhriya Hal Buug inuu La Mid Yahay Qof Haysta Waayo Aragnimo Labo ama Saddex Sano Ah ,waxaana uu bulshada reer togdheer uga digay wax qoris la,aanta isagoona kula tardaarmay naadiga halkaraan inuu sii laban laabo dadaalka uu ugu jiro la dagaalanka jahliga.

Gabagabadii waxaa xafladaasi soo xidhay Badhsaabku Xigeenka gobolka Togdheer maxame dmaxamud yusuf ubaxle Isagoona ka waramay doorka uu Halkaraan Ka Qaatay kobcinta waxbarashada Waxaana uu Sheegay Inay wax Lagu Farxo Tahay Dhalinyo Da,yar ah oo isu tagatay inay dadkooda wax baraan isla markaana ay geed dheer iyo mid gaabanba u fulaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen jahliiga.

Waxaana Uu Badhsaab ku xigeenku Shahaado Sharafyo uu Naadiga Halkaraan Ugu Talo Galay Ururadii,shirkadihii iyo Waliba Shakhsiyaadkii gacanta Wayn Ka Gaystaystay HoruMarka Uu uu ku Talaabsaday Shanta Sano ee uu Jiray ku gudoonsiiyey halkaasi.

Waxaana ka mid ahaa shakhsiyaadkii shahaado sharafyada la gudoonsiiyey Maayirka degmada Burco Iyo xildhibaan Cabdi Laki Halka ururadana Ay Ka Dhx Muqdeen ururka Soyvo iyo Jaamacadahana Adis Iyo Golis, Shirkadaha Laydhka ee Degmada Burco Beder iyo Kaah iyo xarunta Daabacadda Burco Printing Center.




Afkashacabka.com

Burco / Office