Shirka Dhaqaalaha Ee Carabta Iyo Afrika oo Somaliland lagu casuumay iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo ka warramay

0
Tuesday April 08, 2014 - 12:01:21 in by Super Admin
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirka Dhaqaalaha Ee Carabta Iyo Afrika oo Somaliland lagu casuumay iyo Wasiirka Ganacsiga Somaliland oo ka warramay

    Dubai (Afkashacabka) Dawladda Somaliland, ayaa lagu casuumay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha Dalalka Carabta iyo Afrika oo halkii sano-ba mar la qabto, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Dubai ee xarunta dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dubai (Afkashacabka) Dawladda Somaliland, ayaa lagu casuumay shirka caalamiga ah ee dhaqaalaha Dalalka Carabta iyo Afrika oo halkii sano-ba mar la qabto, kaasi oo ka dhacaya Magaalada Dubai ee xarunta dalka isku tagga Imaaraadka Carabta.


 

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaaha dibadda, oo dawladda Somaliland uga qayb-galaya shirkaasi, ayaa shalay ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga, Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo saxaafadda kula hadlay madaarka Hargeysa, ka hor intii aanay dhoofin, ayaa sheegay in shirkani muhiim u yahay Somaliland iyo Maalgashi ay ku samaystaan maalqabeennada shirkaasi iman doona.

Wasiirka oo ugu horeyn sharaxaya Shirka ay u ambo-baxeen ayaa yidhi "Waxaan ka qeyb-galaynaa shir ballaadhan oo sanadkiiba mar la qabto oo ay iskugu yimaadaan Wasiirrada dhaqaalaha u qaabilsan dalalka Carabta iyo Afrika, waxaana lagu qabanayaa Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta

Wasiirka Ganacsigu waxa uu sheegay inay rejaynayaan inay shirkaasi madaxda kala duwan ee ka soo qeyb galaysa ay kala hadlaan dhaqaalaha Somaliland, Fursadaha ganacsiga iyo maal-gashigaba "Waxaan rejaynaynaa madaxda iyo khubarrada shirweynahan ka soo qeyb galaysa aanu kala hadallno xaaladda ganacsiga Somaliland, fursadaha maal-gashiga” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Shirkani waa shir heer Wasiir ah oo magaciisa la yidhaahdo shirka Maal-gashiga oo Wasaaradda Ganacsiga iyo dhaqaaluhu sanadkiiba hal mar marti-geliso”

Wasiir, Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu tilmaamay in ka qayb-galka shirkani ay farxad u tahay "Somaliland ahaan farxad weyn ayay noo tahay inaanu shirkaasi ka qeyb galno, waxaanan filaynaa inuu noo suurto-gelin doono inaanu qaddiyadeenna dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo wixii aynu taageero uga baahan nahayba aanu kala xaajoono wufuuda faraha badan ee shirkaas ka qeyb galaysa.”

 

 

 

 

 

 






Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com